Galdogob, 07 Febraayo 2026: Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland Hon Abdirisak Ahmed Said, iyo wafti uu hogaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey Degmada Galdogob.
Guddoomiyaha iyo wafdiga uu hoggaaminayo oo ka kooban xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada Puntland ayaa degmada u yimid ka qeybgalka xafladda caleemo-saarka Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed, taas oo la filayo inay maalinta berri ah si rasmi ah uga dhacdo Magaalada Galdogob. Caleemo-saarka Ugaaska ayaa ah munaasabad dhaqameed muhiim ah oo ay isugu imaanayaan Madaxda Dawladda, isimada dhaqanka, waxgaradka iyo marti sharaf ka kala imanaya deegaanno kala duwan oo ka tirsan Puntland iyo guud ahaan Degaanada Soomaalida.
Inta uu Guddoomiyuhu ku sugan yahay Galdogob, waxaa uu qorsheynayaa inuu kulamo gaar gaar ah la yeesho qeybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ka mid yihiin maamulka degmada, dhalinyarada, haweenka, ganacsatada iyo odayaasha dhaqanka. Kulamadaas ayaa diiradda lagu saari doonaa xaaladda guud ee bulshada, baahiyaha ka jira degmada, iyo heerka adeeg-bixinta hay’adaha dowladda, si Guddoomiyuhu uu si dhow ugu kuurgalo duruufaha nololeed ee bulshada iyo caqabadaha jira.
Booqashada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland ee Degmada Galdogob ayaa ah mid xoojinaysa xiriirka u dhexeeya Golaha Golaha Wakiillada iyo bulshada, isla markaana muujinaysa doorka Golaha Wakiillada ee la-socodka xaaladda guud ee dalka iyo taageeridda nabadda, dhaqanka iyo horumarka bulshada.



