Galkacyo, 7 Febraayo 2026 – Guddiga Gaarka ah ee uu Golaha Wakiillada Puntland u xil-saaray soo ururinta iyo diiwaangelinta xogta dadka baahiyaha gaarka ah qaba ayaa maanta booqasho iyo kulan shaqo ku yeeshay Wasaaradda Caafimaadka, si ay u soo gudbiyaan xaaladda hadda ay ku sugan yihiin iyo horumarka hawlaha diiwaangelinta. Kulankan ayaa waxaa ka soo qayb-galay Wasiir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Puntland, Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Mudug, Madaxa Hooyada iyo Dhallaanka, Agaasimayaasha Cisbitaalka Guud ee Galkacyo, Isuduwaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Gobolka Mudug, Isuduwaha Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska, iyo Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Mudug.
Guddiga ayaa warbixin ku soo bandhigay heerka ay marayaan hawlaha diiwaangelinta dadka baahiyaha gaarka ah qaba, caqabadaha jira, iyo baahiyaha taageero ee loogu baahan yahay si hawshu u socoto si hufan. Waxaa sidoo kale kulanka lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqaynta hay’adaha dowladda, sidii loo xaqiijin lahaa in adeegyada caafimaadka iyo kuwa bulshada ay si siman ugu gaaraan dadka u nugul xaaladaha gaarka ah
DHAMMAAD

