Golaha Wakiillada

Guddiga Golaha wakiillada oo kormeer shaqo ku jooga deegaanka Qoton

Qoton– 22 May, 2026:— Guddiga Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee kormeerka shaqo ku jooga Gobolka Karkaar ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay Deegaanka Qoton oo ka tirsan Degmada Bayla Gobolka Karkaar.

Xildhibaannada ayaa si gaar ah uga xog wareystay Odoyaasha iyo Maamulka Deegaanka adeegyada Biyaha, Caafimaadka, Waxbarashada iyo Amniga.

Dhanka kale, Xildhibaannada ayaa sheegay in warbixinta kormeerkooda ay horgeyn doonaan fadhiga guud ee Golaha Wakiillada, iyadoo socdaalkani uu qayb ka yahay kormeerada Guddiyada ee la socoshada shaqooyinka ka socda degmooyinka iyo baahiyaha jira.

DHAMMAAD

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top