Boosaso,3 May 2026- Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Hon Mohamed Baarri Shire, ayaa Madaxweynaha Dowladda Puntland kala qayb galay munaasabadda xarig-jarka Garoonka Shuhadada ee magaalada Boosaaso.
Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qayb galay qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiillada, xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda, Maamulka Degmada Boosaaso, maamullada degmooyinka ka qayb galaya Koobka Calmiskaad, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Boosaaso.
Munaasabaddan xarig-jarka ah ayaa muujinaysa horumarka ka socda dhinaca kaabeyaasha ciyaaraha, iyadoo Garoonka Shuhadada uu door muhiim ah ka qaadan doono kobcinta isboortiga iyo dhiirrigelinta dhalinyarada gobolka.
DHAMMAAD



