Golaha Wakiillada

Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Hon. Mohamed Mahamud Esse ayaa maanta magaalada Garoowe ku soo dhoweeyey Xildhibaannada Puntland ku metela labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Hon. Mohamed Mahamud Esse oo ay weheliyaan qaar ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa si diirran u qaabilay Xildhibaannada Puntland ee ka tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ku sugan Puntland.

Waxaa gudoomiyaha soo dhaweynta ku waheliyay Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland oo haatan ah Senator ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Wasiirro ka tirsan Dowladda Puntland, masuuliyiin kale oo kala duwan iyo qaybaha bulshada.

Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Hon. Mohamed Mahamud Esse ayaa hadal uu ka jeediyey munaasabadda ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay midnimada, wada shaqaynta iyo isku duubnida wakiillada shacabka Puntland ee ku jira labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si loo xoojiyo matalaadda iyo difaaca danaha shacabka Puntland

Scroll to Top