Garacad – 21 May, 2026:— Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee kormeerka shaqo ku jooga Gobolka Mudug ayaa caawa kulan la qaatay maamulka iyo waxgaradka deegaanka Garacad ee Degmada Jariiban, iyagoo ka dhagaystay warbixino ku saabsan xaaladda adeegyada caafimaadka, waxbarashada, amniga iyo cadaaladda.
Kulankan ayaa qeyb ka ah kormeerka iyo u kuurgalka ay Golaha Wakiilladu ku sameynayaan adeegyada bulshada iyo baahiyaha ka jira deegaannada Gobolka Mudug.
DHAMMAAD


