Godobjiiraan, 23 May 2026- Guddiga Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee kormeerka shaqo ku jooga Gobolka Nugaal ayaa maanta kormeer ku sameeyey xarumaha degmada Godobjiiraan, isbitaalka, saldhiga Booliiska iyo beeraha Degmadaas.
Sidoo kale, guddigu waxay warbixinno ka dhagaysteen maamulka Degmada, maamulka isbitaalka, taliska Booliiska iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo uga xog warramay xaaladda guud ee adeegyada bulshada, amniga, caafimaadka iyo baahiyaha ka jira Degmadaas.
DHAMMAAD



