Golaha Wakiillada

XILDHIBAANNADA GOLAHA WAKIILLADA DOWLADDA PUNTLAND OO XALAY KU QABTAY DEGMADA JARIIBAN KULANKA GOLAHA WAKIILLADA IYO BULSHADA RAYIDKA AH.

Jariiban – 21 May, 2025:— Guddiga Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee kormeerka shaqo ku jooga Gobolka Mudug ayaa kulan muhiim ah la yeeshay bulshada rayidka ah ee Degmada Jariiban.

Kulankan oo ka dhacay magaalada Jariiban waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Degmada, Taliye Ku-xigeenka Qaybta gobolka Mudug, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Intii uu socday kulanka, bulshada rayidka ah waxay fursad u heleen in ay su’aalo toos ah weydiiyaan xildhibaannada, kuwaas oo si hufan uga jawaabay su’aalihii iyo tabashooyinkii lasoo jeediyay.

Kulankan wuxuu qeyb ka yahay dadaallada Golaha Wakiillada Puntland ee lagu xoojinayo isla-xisaabtanka, is-dhexgalka shacabka iyo wakiilladooda, iyo weliba in la helo aragtiyo iyo talooyin toos ah oo ka imaanaya shacabka – kuwaas oo wax ka tari kara hawlaha sharci-dejinta iyo waajibaadka kale ee Golaha.

DHAMMAAD –

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top