Golaha Wakiillada

π…πšππ‘π’π πš 𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐊𝐚π₯𝐟𝐚𝐝𝐑𝐒𝐠𝐚 πŸ“8-𝐚𝐚𝐝 ee Golaha Wakiillada.

π†πšπ«π¨π¨π°πž, 17 June 𝟐𝟎𝟐6 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Hon Abdirisak Ahmed Said oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Hon Mohamed Baarri Shire , iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Hon Mohamed Mahamud Esse ayaa maanta shir-guddoomiyay π…πšππ‘π’π πš 𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐊𝐚π₯𝐟𝐚𝐝𝐑𝐒𝐠𝐚 πŸ“8-𝐚𝐚𝐝 ee Golaha Wakiillada.

Ajandaha fadhigan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray 𝐀𝐚 𝐝𝐨𝐨𝐝𝐒𝐬𝐭𝐚 𝐒𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱-𝐀𝐚-π›πžπππžπ₯𝐀𝐚 π€π£πšπ§ππšπ‘πš 𝐊𝐚π₯𝐟𝐚𝐝𝐑𝐒𝐠𝐚 πŸ“8-𝐚𝐚𝐝, iyadoo loo marayo habraaca uu qeexayo Qodobka 42-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha.

Intaas kaddib, Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa si rasmi ah u guda galay doodda iyo ansixinta Ajandayaasha, waxaana ugu dambeyn ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen Ajandaha rasmiga ah ee Kalfadhiga 58-aad.

Ajandaha la ansixiyay ayaa si rasmi ah loogu qaybin doonaa Xildhibaannada Golaha maalinta berri oo ku beegan 18ka Juun 𝟐𝟎𝟐6, si loo guda galo ajandayaasha ku xusan.

DHAMMAAD –

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top