Golaha Wakiillada

𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟔-𝐚𝐚𝐝 ee 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟖-𝐚𝐚𝐝 ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

𝐆𝐚𝐫𝐨𝐨𝐰𝐞, 𝟐𝟐 𝐉𝐮𝐧𝐞 𝟐𝟎𝟐𝟔 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Hon Abdirisak Ahmed Said, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha, Hon Mohamed Baarri Shire, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha, Hon Mohamed Mahamud Esse ayaa maanta shir-guddoomiyay 𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟔-𝐚𝐚𝐝 ee 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟖-𝐚𝐚𝐝 ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

Ajandaha fadhiga maanta ayaa ahaa sii-wadista dhageysiga Warbixinta Guddiyada Golaha Wakiillada DPL.

Maanta waxaa warbixintooda Golaha la wadaagay guddiga kala ah :-

1- Guddiga Siyaasadda, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha & Xiriirka Caalamiga.

2- Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha.

3- Dhagaysiga warbixinnada Kormeerka xildhibaannadu ay ku tagey Degmooyinka katiran Gobollada Karkaar, Mudug iyo Nugaal.

Xildhibaannada Golaha ayaa su’aalo iyo faahfaahin dheeraad ah ka waydiiyay guddiyada warbixinnadii iyo kormeeradii ay soo sameeyeen muddadii u dambeysay.

DHAMMAAD

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top