Garoowe: October 03, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga todobaadla ah ee Guddiga joogtada ah.
Fadhiga maanta waxaa diirada lagu saaray qorshaha kormeerka guddiyada Golaha wakiillada ay dhawaan ugu kuur-galayaan xaaladaha Amniga iyo Nabadgelyada, Kaabayaasha Dhaqaalaha, Deegaanka, Arrimaha Bulshada, Xuquuqada Insaanka iyo Mashaariicda, waxaana la isla qaatay in guddiyadu ay bilaabaan kormeerada ay ku tagayaan Gobollada Puntland.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.