Golaha Wakiillada

Fadhiga 1-aad ee Guddiga joogtada ah Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe: March 17, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid Faarax oo uu weheliyo ku-xigeenka 1-aad Mudane, Maxamed Baari shire ayaa shir Guddoomiyey fadhiga 1-aad ee Guddiga joogtada ah Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga maanta waxaa xubnaha Guddiga joogtada ah lala wadaagay waajibaadka Guddiga Joogtada ah, si waafaqsan xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada, waxqabadka Golaha, qorshayaasha hortabinta leh ee lagu dar-dargeliyo laguna hormarinayo shaqada Golaha Wakiillada.

Intaas kadib, Madax guddiyeedka Golaha Wakiillada ayaa ka warbixiyey Arrimaha Amniga Puntland, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo hirgelinta qorsheyaasha shaqo ee guddiyada u degsan, caqabaha jira iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Ugu dambeyn, Guddiga Joogtada ah waxay isla qaateen in ay galaan fasax muddo bil ah inta lagu gudajiro Bisha Ramadaan ee Barakaysan, lana isu soo noqdo bacda Ramadaan haddii Alle idmo si loo dar-dargeliyo hawlaha shaqo ee Guddiga Joogtada ah.

-DHAMMAAD-

Scroll to Top