Golaha Wakiillada

Fadhiga 6-aad ee Kalfadhigaa 57-aad

๐†๐š๐ซ๐จ๐จ๐ฐ๐ž, ๐Ÿ ๐๐จ๐ฏ๐ž๐ฆ๐›๐ž๐ซ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“ โ€“ Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Hon Abdirisak Ahmed Said, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Hon Mohamed Baarri Shire, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyay ๐…๐š๐๐ก๐ข๐ ๐š ๐Ÿ”-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐Š๐š๐ฅ๐Ÿ๐š๐๐ก๐ข๐ ๐š ๐Ÿ“๐Ÿ•-๐š๐š๐ ee Golaha Wakiillada.

Ajandaha fadhigan ayaa ahaa ka shaqaynta ๐‡๐ข๐ง๐๐ข๐ฌ๐ž ๐ฑ๐ž๐ž๐ซ๐ž๐ž๐๐ค๐š ๐๐š๐ง๐ ๐ข๐ ๐š ๐ƒ๐š๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐š๐ก๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š.

Ugu horrayn, ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š, ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐—๐ข๐ฌ๐š๐š๐›๐š๐š๐๐ค๐š ayaa Golaha u soo jeediyay warbixin faah-faahsan oo ku saabsan hindise xeerka, warbixintaas oo si qoto dheer u dul istaagtay marxaladihii uu soo maray xeerku, la-tashiyadii la sameeyay, iyo isbeddellada ay guddigu ku sameeyeen.

Intaas kadib, Xildhibaannada Golaha ayaa si qodob-qodob ah u guda galay ๐๐จ๐จ๐๐๐š, ๐ฐ๐š๐ฑ-๐ค๐š-๐›๐ž๐๐๐ž๐ฅ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ค๐š๐š๐›๐ข๐ฌ๐ญ๐š hindise xeereedka, iyadoo la qorsheeyay in dooddu ay sii socoto fadhiyada dambe.

DHAMMAAD โ€“

Scroll to Top