Muqdisho, 11 February 2026: Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Hon Mohamed Mahamud Esse iyo qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha ayaa caawa magaalada Muqdisho kaga qeybgalay kulan ay wada yeesheen Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeybgalay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.
DHAMMAAD








