Garowe, 16 Febraayo 2026 – Guddiga Gaarka ah ee uu Golaha Wakiilladu u xilsaaray soo ururinta iyo diiwaangelinta xogta dadka baahiyaha gaarka ah qaba ayaa maanta sii waday hawlahooda shaqo.
Guddigu waxa uu kulan wadatashi ah la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada, kaas oo diiradda lagu saaray sidii loo heli lahaa xog dhammeystiran oo ka tarjumaysa xaaladda dhabta ah ee dadka baahiyaha gaarka ah qaba, caqabadaha jira, iyo qorshayaasha wasaaradda ee wax ka qabashada baahiyahooda.
Xubnaha guddiga ayaa carrabka ku adkeeyay in helitaanka xog sax ah oo la isku halayn karo ay tahay tiir-dhexaadka diyaarinta talooyin iyo go’aanno wax ku ool ah oo mustaqbalka loo horgeyn doono Golaha Wakiillada, si loo horumariyo adeegyada loo fidiyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba.
DHAMMAAD


