Golaha Wakiillada

Wararka

Guddiyada Golaha Wakiillada oo maalmahan kormeer shaqo ku marayey Gobolka Mudug.

Gaalkacayo, May 27, 2024: Xubno ka tirsan Guddiyada Golaha Wakiillada oo maalmahan kormeer shaqo ku marayey Gobolka Mudug ayaa hoygiisa magaalada Gaalkacayo salaan sharafeed ugu tagay Islaan Bashiir Islaan Cabdille, oo ay ka wada hadleen kaalinta dhaqanka ee nabadeynta iyo isku haynta Bulshada. Islaan Bashiir Islaan Cabdille ayaa Xildhibaanada uga mahadceliyey salaan sharafeedka ay ugu yimaadeen, wuxuuna ugu duceeyey in eebbe u fududeeyo kormeerka shaqo ay ku yimaadeen Gobolka Mudug. -DHAMMAAD- Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta, Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddiyada Golaha Wakiillada oo maalmahan kormeer shaqo ku marayey Gobolka Mudug. Read More »

XUBNO KA TIRSAN GOLAHA WAKIILLADA OO MAANTA U KUURGALAY XAALADA GUUD EE BADHAN.

Badhan May 27, 2024: Weftiga oo uu hogaaminayey Xild. Xasan Ducaale Dhagaxtuur oo kormeer ku tagay degmada Badhan ee Gobolka Sanaag ayaa kormeeray imtixaanka shahaadiga ee Dawladda Puntland, kaas u socda Ardayda magaalada Badhan. Xildhibaannada ayaa sidoo kale booqday Xafiisyada kala duwan ee dawladda sida mamulka Gobolka, xarunta degmada, Taliska Qeybta Booliiska, Xarunta Maxkamaddaha iyo Xabsiga dhexe. Xildhibaannada ayaana warbixino ballaaran oo dhinacyo badan taabanaysa ka dhagaystay dhammaan mas’uuliyiinta kala duwan, iyagoo uga warbixiyey xaladda guud ee Gobolka, hawlaha qabsoomay iyo caqabadaha, iyagoo mudanayaasha uga mahadceliyey kormeerka ay ku yimadeen gobolka si ay ugu kuurgalaan baahiyaha jira. Dhanka kale, Mudaneyaasha ayaa booqday dhismaha wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo oo ah mashruuc weyn oo Dawladda iyo shacabka Puntland ay isku tashi ku wadaan. Ugu dambeyntii Guddiyada ayaa ballanqaaday in ay warbixinta la wadaagi doonaaan cid kasta oo ay khuseyso, si looga jawaabo baahiyaha jira. -DHAMMAAD-

XUBNO KA TIRSAN GOLAHA WAKIILLADA OO MAANTA U KUURGALAY XAALADA GUUD EE BADHAN. Read More »

Xubno ka tirsan Guddiyada Golaha Wakiillada Ayaa kormeer shaqo ku maraya Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Boosaaso, May 27, 2024: Xubno ka tirsan Guddiyada Golaha Wakiillada ayaa maalintii labaad kormeer shaqo ku maraya Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari. Xubnahan ayaa kormeerooda shaqo ee maanta ka bilaabay Xabsiga Weyn ee magaalda boosaaso, waxayna halkaas kula kulmeen taliska xabsiga iyagoo warbixino ka siiyeen Xaaladda guud xabsiga, sidoo kale waxay kormeereen xaalada maxaabista ku xiran. Sidoo kale, waxay Xildhibaannada ka socda Baarlamaanku kormeereen qayba kamida Saldhigyada Magaaladda Boosaaso si ay ugu kuurgalaan xaaladda Saldhigyada . Ugu dambayn Guddiyada ayaa kormeer ku tegey Maxkamadda derajada 1aad ee Degmadda Boosaaso iyo Maxkamadda Racfaanka Gobolka Beri, iyagoo kula kulmay guddoomiyaha Maxakmada darajada 1-aad iyo Guddoomiyaha Maxakmada Racfaanka iyagoo u kuurgalay xaalada Garsoorka Gobolka Bari. -DHAMMAAD- Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta, Golaha Wakiillada Dawladda Puntlan

Xubno ka tirsan Guddiyada Golaha Wakiillada Ayaa kormeer shaqo ku maraya Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari. Read More »

Guddiyada Golaha Wakiillada DPL.

Gaalkacyo: Xubno ka socda Guddiyada Golaha Wakiillada DPL oo uu weheliyo Guddoomiyaha Gobolka Mudug, ayaa kulan la qaatay Xubno ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacayo iyo Guddiga Horumarinta magaalada. Xildhibaanada ayaa warbixin ka dhegaystay Xubnaha ka socday Golaha deegaanka iyo Guddiga Horumarinta Degmada iyaga oo ka warbixiyey waxqabadka Degmada, qorshayaasha hortebinta leh iyo Caqabadaha ka jira Degmada Gaalkacayo. Ugu dambeyn, xubnaha ka socda Galaha Wakiillada ayaa kula dardaarmay in ay dardargeliyaan waajibaadka loo igmaday, xooggana saaraan adeeg bixinta shacabka, isla markaasna doorkooda ka qaataan sugidda Amniga iyo horumarina Degmada. -Dhamaad.

Guddiyada Golaha Wakiillada DPL. Read More »

XUBNO KA TIRSAN GOLAHA WAKIILLADA OO MAANTA U KUURGALAY XAALADA GUUD EE DHAHAR.

Dhahar, May 26, 2024: Xildhibaannada oo uu hogaamianyey Xasan Ducaale Dhagaxtuur ayaa kormeer ku tagay degmada Dhahar ee Xarunta Gobolka Haylaan, iyagoo ugu horeyn kormeeray imtixaanka shahaadiga ee Dawladda Puntland, kaas oo u socda ee Ardayda. Xildhibaannada ayaa sidoo kale booqday Xafiisyada kala duwan ee dawladda sida xarunta degmada, Taliska Qeybta Booliiska, Cisbitaalka guud ee magaalada iyo Xarunta Maxkamadda degmada. Waxay Guddiyadu warbixino ballaaran oo dhinacyo badan taabanaysa ka dhagaysteen dhammaan mas’uuliyiinta kala duwan iyo isu duweyaasha Gobolka, iyagoo uga warbixiyey xaladda degmada iyo guud ahaanba Gobolka, hawlaha qabsoomay iyo caqabadaha, iyagoo mudanayaasha uga mahadceliyey kormeerka ay ku yimadeen gobolka si ay ugu kuurgalaan baahiyaha jira. Dhinaca kale, Xildhibaannada ayaa kulan la qaatay Guddiga ilaalinta Deegaanka ee Gobolka Haylaan, kuwaas oo ka warbixiyey waxqabadkooda iyo caqabadaha haysta. Ugu dambeyntii Guddiyada ayaa ballanqaaday in ay warbixinta la wadaagi doonaaan cid kasta oo ay khuseyso, si looga jawaabo baahiyaha jira. -DHAMMAAD.

XUBNO KA TIRSAN GOLAHA WAKIILLADA OO MAANTA U KUURGALAY XAALADA GUUD EE DHAHAR. Read More »

Guddiyadda Golaha Wakiillada oo maanta safar shaqo ugu baxay qaybo kamid ah Gobolka Nugaal iyo Mudug.

Burtinle May 25, 2024: Xubno ka socda Guddiyadda Golaha Wakiillada oo maanta safar shaqo ugu baxay qaybo kamid ah Gobolka Nugaal iyo Mudug ayaa saaka shaqadooda ka bilaabay Degmada Burtinle, waxayna kulan la qaateen duqa degmada, iyagoo ka xogwaraysteen xaalada guud ee degmada oo ay ugu horeyeeyaan Amniga, Caafimaadka, Waxbarshada, Biyaha, Korontada iyo waliba Beeraha iyo Xaalufka deegaanka. intaas kadib, mas’uuliyiinta ayaa si wadajir ah u kormeeray Cusbitaalka guud ee Degmada, Saldhiga Booliiska, xafiiska wasaaradda Maaliyadda ee degmada, waxayna dhammaan xarumahaas markii ay tageen guddigu warbixino khuseeya ay ka dhegaysteen xubnihii ku sugnaa ee shaqada gacanta ku haya. intaas kadib Guddiga oo safarkooda shaqo ku guda jira sii ayaa gaaray Degmada Xarfo ee Gobolka Mudug, waxayna halkaas kula kulmeen Duqa Degmada, iyagoona warbixin ka dhegaystay duqa iyo qaar kamid ah maamulayaasha Wasaaradaha qaarkood ee heer degmo. Markii uu soo idlaaday Kormeerka shaqo ee degmada xarfo guddiga waxaa qado-sharaf ugu sameeyey hoyga uu ka degan yahay Degmada Xarfo Suldaan Maxamed Suldaan Hurre oo kamid ah Isimada dhaqanka Puntland. -DHAMMAAD-

Guddiyadda Golaha Wakiillada oo maanta safar shaqo ugu baxay qaybo kamid ah Gobolka Nugaal iyo Mudug. Read More »

Guddiyada Golaha Wakiillada DPL ayaa maanta Kormeer shaqo ku tegay Cusbitaalka Guud ee Magaalada Garoowe.

Garoowe: May 30, 2024: Xubno ka socda Guddiyada Golaha Wakiillada DPL ayaa maanta Kormeer shaqo ku tegay Cusbitaalka Guud ee Magaalada Garoowe. Waxaa Guddiga halkaas kusoo dhoweeyey Maamulka Cusbitaal iyagoona uga warbixiyey guddiga Shaqada guud ee cusbitaalka uu qabto, Mashaariicda dhisme ee ka socota iyo Caqabadaha jira. Intaas kadib guddiga iyo maamulka cusbitaalka ayaa si wada jir ah u kormeeray cusbitaalka qaybaha ay ka socdaan dhismayaasha cusub. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta, Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Guddiyada Golaha Wakiillada DPL ayaa maanta Kormeer shaqo ku tegay Cusbitaalka Guud ee Magaalada Garoowe. Read More »

Gudoomiyaha Guddiga Arimaha Bulshada iyo Dhaqanka ee Golaha Wakiilladda DPL.

Garoowe, May 25, 2024: Gudoomiyaha Guddiga Arimaha Bulshada iyo Dhaqanka ee Golaha Wakiilladda DPL Xildhibaan Cabdicasiis Axmed Saalax ayaa maanta ka qeyb-galay Munaasibadda Furitaanka Imtixaanka Shahaadiga ah oo uu si rasmi ah uga furmay Jamacada PSU Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane, Siciid Cabdilaahi Deni iyadda oo sidoo kalena uu ka qeyb-galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Mudane Fu’ad Abshir Adeer. Gudoomiyaha Guddiga Arimaha Bulshada iyo Dhaqanka ee Golaha Wakiilladda DPL Xildhibaan Cabdicasiis Axmed Saalax ayaa Hambalyo iyo Boggaadin u diray Ardayda maanta u fariistay Imtixaanka shahaadiga ah ee Dawladda Puntland isaga oo Alle uga baryay inuu Imtixaanka u fududeeyo. Maanta ayaa guud ahaan Dawladda Puntland looga fariistay Imtixaanka Shahaadiga sanad-dugsiyeedka 2023 ~2024 kaas oo ay ka qeyb-galayaan in ka badan 21,801 kuwaasoo kamid ah ay yihiin dugsiga sare fasalka 12-aad ilaa fasalka 8-aad. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Gudoomiyaha Guddiga Arimaha Bulshada iyo Dhaqanka ee Golaha Wakiilladda DPL. Read More »

Xildhibaanno ka socda guddiyada golaha wakiillada oo maanta u kuurgalay xaalada guud ee qardho.

Qardho May 25, 2024: Xildhibaannada oo maanta kormeer ku tagay degmada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar ayaa ugu horeyn daah furay imtixaanka shahaadiga ee Dawladda Puntland, kaas oo ka qabsoomay Dugsiga sare ee Shiikh Cisman. Guddiyada ayaa booqday bartamaha magaalada, halkaas oo ay ka socoto baneynta dhulkii biyo mareenka ahaa, Xafiisyada kala duwan ee dawladda sida Maamulka Gobolka, xarunta degmada, Taliska Qeybta Booliiska Gobolka, Cisbitaalka guud ee magaalada, Xabsiga dhexe iyo Xarunta Wasaaradda Maaliyadda. Waxay Guddiyadu warbixino ballaaran oo dhinacyo badan taabanaysa ka dhagaysteen dhammaan mas’uuliyiinta kala duwan, iyagoo Guddiyada uga warbixiyey xaladda degmada iyo guud ahaanba Gobolka, hawlaha qabsoomay iyo caqabadaha, iyagoo mudanayaasha uga mahadceliyey kormeerka ay ku yimadeen gobolka si ay ugu kuurgalaan baahiyaha jira. Intii ay ku guda-jireen booqashadooda, waxay sidoo kale Guddiyadu wareysteen maxaabiista ku xiran xabsiyada iyagoo ka dhagaystey warbixino la xiriira xaaladdooda nololeed, baahiyahooda iyo tabashooyinka ay qabaan. Ugu dambeyntii Guddiyada ayaa ballanqaaday in ay warbixinta la wadaagi doonaaan cid kasta oo ay khuseyso. -DHAMMAAD-

Xildhibaanno ka socda guddiyada golaha wakiillada oo maanta u kuurgalay xaalada guud ee qardho. Read More »

Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiillada DPL.

Garoowe: May 24,2024: Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiillada DPL ayaa caawa kulan xog wareysi la qaatay mas’uuliyiinta hay’addaha Maaliyadda Puntland. Guddoomiyaha Guddiga Xild. Xasan Yuusuf Majabe ayaa shir Guddoomiyey kulanka oo uu ka soo qayb-galay Wasiirka Maaliyadda Maxamed Faarax oo ay wehliyaan Mas’uuliyiinta kale ee Wasaaradda, Hantidhawra Guud, Guddoomiyaha & Agaasimaha Bankiga, Xoghayaha guud & saraakiil ka tirsan Golaha Wakiillada Puntland. Shirka ayaa intii uu socday lagu falanqeeyey habka wada shaqeynta Guddiga, Hay’ada kale Maaliyadda iyo xafiiska Hantidhawrka Guud si looga mara dhaliyo waajibaadka Dastuuriga ah ee Hay’adu u xilsaaran yahayihiin, waxaana shirka lagu soo bandhigay soo jeedin la xiriirta sidii loo wada shaqeyn lahaa, si waafaqsan Dastuurka DPL DHAMMAAD.

Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiillada DPL. Read More »

Scroll to Top