Mudane, Maxamed Baarri Shire, ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta Taliska Ciidanka Booliska Puntland ee Garoowe.
Garoowe, February 22, 2024: Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Maxamed Baarri Shire, ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta Taliska Ciidanka Booliska Puntland ee Garoowe. Guddoomiye ku-xigeenka ayaa waxaa halkaas ku soo dhaweeyey Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen. Muumin Cabdi Shire, Taliye ku-xigeenka iyo Hoggaanada Ciidanka Booliska. Intaas kadib Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Puntland ayaa ka dhegeystay madaxda Taliska Booliska waxyaabaha u qabsoomay, caqabadaha jira iyo qorsheyaasha guud ee la xiriira suggidda amaanka Magaalooyinka Puntland. – DHAMMAAD









