Golaha Wakiillada

Wararka

Culimada ayaa Guddoonka Golaha wakiillada cusub ugu yimid hambalyo ku saabsan xilalka dhawaan loo doortay.

Garoowe, January 10, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Hon Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Hon Mohamed Mohamoud Isse ayaa maanta Aqalka Wakiillada ku qaabilay qaar kamid ah Culimada Puntland. Culimada ayaa Guddoonka cusub ugu yimid hambalyo ku saabsan xilalka dhawaan loo doortay. DHAMMAAD.

Culimada ayaa Guddoonka Golaha wakiillada cusub ugu yimid hambalyo ku saabsan xilalka dhawaan loo doortay. Read More Β»

Fadhiga 6-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, January 08, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Mohamed Mohamoud Isse ayaa shir Guddoomiyey fadhiga 6-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Guddoomiye Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa shirka furay, iyadoo ajanduhu ahaa Doorashada Madaxweynaha & Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland. Intaa kadib, waxaa la gudo galay Doorashada oo ay ku tartamayeen 11 Musharax Madaxweyne iyo 11 Musharax Madaxweyne ku xigeen, waxaana wareeggii ugu dambeeyey ee 3-aad isugu yimaadeen Madaxweynaha dib loo doortay ee Dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo helay 45 cod, halka Mudane Dr. Guuleed Saalax Barre helay 21 cod. Waxaana sidoo kale Madaxweyne ku-xigeen loo doortay Mudane Ilyaas Cusmaan Lugatoor. Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa shacabka Puntland, siyaasiyiinta, culimada iyo ciidamada qalabka sida ku booriyey inay isku duubnaadaan oo ka wadashaqeeyaan dowladnimada iyo horumarka Puntland. DHAMMAAD

Fadhiga 6-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More Β»

Hon.Abdirisak Ahmed Said, Speaker of Puntland Parliament

Hon. Abdirisak Ahmed Said, is the Speaker of Puntland Parliament. 63 Article of the Constitution of Puntland State provides that there shall be a Speaker and Deputy Speakers of Parliament, who are elected by Members of Parliament from among their number. The Speaker chairs all sittings of Parliament and ensures that debates are handled in accordance with the Rules of Procedure. As head of the institution of the Legislature, the Speaker represents Parliament in its corporate relations. Hon. Abdirisak Ahmed Said was Former Chairperson of the Transitional Puntland Electoral Commission (TPEC), Former researcher, Former Peace activist. Official: Facebook Page: Abdirisak Ahmed SaidTwitter ( X): Abdirisak Ahmed SaidEmail: speaker@puntlandparliament.com info@puntlandparliament.com

Hon.Abdirisak Ahmed Said, Speaker of Puntland Parliament Read More Β»

Fadhiga 4-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, January 05, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Mohamed Mohamoud Isse ayaa shir Guddoomiyey fadhiga 4-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Guddoomiye Cabdirisaaq oo shirka furay ayaa Golaha la wadaagay in loo diyaar garoobo Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka si waafaqsan Dastuurka iyo Xeer hoosaadka Golaha Wakiillada DPL, wuxuuna magacaabay Guddiga Doorashada Madaxtooyada, taas oo ku asteysan Isniinta 08/01/2024, haddii EEBBE idmo, iyadoo Goluhu uu cod aqlabiyad leh ku ansixiyey. DHAMMAAD

Fadhiga 4-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More Β»

Official accounts of Elected Speaker, 1st Deputy and 2nd Deputy Speaker

This official Links of Facebook pages of Elected Official of Puntland Parliament. 1. Elected Speaker of Puntland Parliament Hon. Abdirisak Ahmed Said https://www.facebook.com/profile.php?id=61554912946337&mibextid=zLoPMf 2. Elected 1st Speaker of Puntland Parliament Hon. Mohamed Baarri Shire https://www.facebook.com/profile.php?id=61555303829468&mibextid=zLoPMf 3. Elected 2st Speaker of Puntland Parliament Hon. Mohamed Mohamoud Isse https://www.facebook.com/profile.php?id=61555248332347&mibextid=zLoPMf Contact official email info@puntlandparliament.com

Official accounts of Elected Speaker, 1st Deputy and 2nd Deputy Speaker Read More Β»

Guddoonka Golaha Wakiillada DPL hoggaamin doona 2024 – 2029.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta si rasmi ah u doortay Guddoonka Golaha Wakiillada DPL hoggaamin doona 2024 – 2029. 1. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Abdirisak Ahmed Said 2. Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Mohamed Baarri Shire 3. Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Mohamed Mohamoud Isse DHAMMAAD

Guddoonka Golaha Wakiillada DPL hoggaamin doona 2024 – 2029. Read More Β»

Fadhiga 2-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, January 02, 2024: Guddoomiyaha Ku meel gaarka ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Xasan Cabdalla Xasan ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 2-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Ugu horeyn, waxaa Maxkamadda Sare ee Puntland dhaarisay xubnaha Golaha Wakiillada ee ka maqnaa kulankii dhaarinta ee shalay, kuwaas oo dhamma 8 xildhibaan, waxaana sidaa ku dhamaystirmay 66-da xildhibaan ee Goluhu ka kooban yahay. Intaas ka dib, waxaa Guddoomiyaha Ku meel gaarka ahi Golaha la wadaagay in loo diyaar garoobo Doorashada Guddoonka Golaha Wakiillada si waafaqsan Dastuurka iyo Xeerkhoosaadka Golaha Wakiillada DPL, wuxuuna magacaabay Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Wakiillada, iyadoo Guddiguna Golaha la wadaagay Habraaca Doorashada Guddoonka Golaha Wakiillada oo ku asteysan khamiis, 04/01/2024, haddii eebbe idmo. Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Ku meel gaar ah ah ee Golaha Wakiillada ayaa fadhiga soo xiray isagoo dadweynaha Puntland ugu baaqay in laga wada shaqeeyo xoojinta Amniga, laguna kalsoonaado Baarlamaanka 6-aad ee Golaha Wakiillada. DHAMMAAD.

Fadhiga 2-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More Β»

Dhaarinta Xildhibaannada cusub Ee Golaha wakiillada puntland

Garoowe, January 01, 2024:Maxkamadda sare ee Dawladda Puntland ayaa si rasmi ah u dhaarisay 58 mudane oo ka mid ah 66 Xildhibaan ee Golaha Wakiillada. Dhaarta Dastuuriga ah: ” Waxaan ku dhaaranayaa magaca Illaahay, inaan ku dhaqmo diinta Islaamka, dastuurka dalka Puntland iyo qawaaniintiisa dhawro, xilka la ii dhiibay daacadnimo u guto, dalka iyo dadkiisana Lillaahi ugu adeego.” Xildhibaannada cusub ayaa dhaarta kadib waxay Guddoomiye KMG ah u doorteen Mudane, Xildhibaan Xassan Cabdalla Xassan. Waxaa lagu wadaa maalmaha soo socda inay doortaan Guddoonka rasmi ah ee Golaha Wakiillada, Madaxweynaha & Madaxweyne ku-xigeenka. DHAMMAAD

Dhaarinta Xildhibaannada cusub Ee Golaha wakiillada puntland Read More Β»

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada aya maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Golaha Wakiillada Puntland.

Garoowe, Diseembar 19, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Golaha Wakiillada Puntland. Ugu horeyn, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada isagoo ka duulaya Heshiiskii Jiheynta Doorashada ee ay gaareen Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada wuxuu Guddiga ku soo dhaweeyey Xarunta Golaha Wakiillada, isagoo ku wareejiyey Diiwaanka Galalka habraacyadii soo jireenka ahaa ee lagu soo xuli jiray Xubnaha Golaha Wakiillada si guddiga ugu fududaato gudashada waajibaadkooda asixinta iyo xalinta khilaafaadka Baarlamaanka 6-aad ee Puntland. Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa amray Xoghayaha Guud iyo dhammaan hawl-wadeenada Goluhu in ay la shaqeeyaan Guddiga, una fududeeyaan wixii shaqo ee uga baahdaan muddada ay ku shaqeynayaan Xarunta Golaha Wakiillada. DHAMMAAD

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada aya maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Golaha Wakiillada Puntland. Read More Β»

Scroll to Top