Golaha Wakiillada

Wararka

Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiilladda DPL.

Garoowe, December 12, 2023: Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiilladda DPL ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda. Guddiga oo akhriskii 2-aad ku sameynayey miisaaniyadda 2024 ee Golaha hortaala ayaa su’aalo ka waydiiyey Wasiirka, xubnaha kale ee Wasaaradda si ay u helaan xog-dheeri ah oo la xiriirta miisaaniyadda Dawladda ee 2024. Miisaaniyada 2024-ka ayaa dhan $387,550,700, ( Saddex boqol sideetan iyo todoba malyan , shan boqol iyo konton kun iyo todobo boqol oo dollar), iyadoo kororka Miisaaniyaddu yahay 3% marka la bar-bar dhigo miisaaniyadii sannadkii hore. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo mas’uuliyiinta kale ayaa ka jawaabay dhammaan su’aalihii Guddigu waydiiyeen. DHAMMAAD

Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiilladda DPL. Read More »

Fadhiga 13-aad ee Kalfadhiga 53-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, December 11, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 13-aad ee Kalfadhiga 53-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Ugu horeyn Guddoonka ayaa Xildhibaannada la wadaagay in ajandaha shirka yahay Jawaab celinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ee go’aankii ay soo saareen xubno kamid ah Maxkamadda Dastuuriga ah ee DPL, kaas oo kasoo horjeeda qodobada 25-aad, 89-aad iyo 94-aad ee Dastuurka DPL iyo xeerka Maxkamadda Dastuuriga ah qodobadiisa 10-aad iyo 12-aad. Sidoo kale, Mudenayaasha ayaa iyaguna dhankooda soo jeediyey aragtidooda ku aadan dood sharci oo ku saabsan habraaca ay Maxkamaddu u martay go’aanka ay soo saartay. Ugu, dambeyn Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa shirka soo xiray. DHAMMAAD.

Fadhiga 13-aad ee Kalfadhiga 53-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Fadhiga 12-aad ee Kalfadhiga 53-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, Diseembar 07, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 12-aad ee Kalfadhiga 53-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Ugu horeyn, waxaa Goluhu isla qaatay in fadhigu sii socdo inta laga dhammaystirayo ajandayaasha Golaha horyaal. Intaas kadib, waxaa Golaha loo qeybiyey go’aanka Guddiga Beesha Dhulbahante ee Xalinta Khilaafka Siyaasadeed ee Puntland, waxaana Goluhu cod aqlabiyad ah ku ansixiyey go’aankaas oo kala ahaa: 1. In la ilaaliyo nabadgalyada iyo xalisoonida Puntland, cidwalibana ka qaadato kaalinta kaga aaddan. 2. In doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka lagu qabto waqtigeedii sida caadada u ahayd Puntland 08-01-2024 3. In Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka ay doortaan baarlamaanka 5-aad ee Puntland ee hadda jira. 4. In Baarlamaanka Puntland ee hadda jira ee muddo xileedkoodu ku eeg yahay 31-12-2023 dib loo dhigo doorashadooda muddo 12 bilood ah. 5. Xukuummadda Puntland ee la doorto, guddiga doorashooyinka Puntland iyo Xisbiyadda siyaasadeed waa in diyaariyaan doorashada Baarlamaanka ee qof iyo cod muddo 12 bilood gudahood ah. 6. Guddiga doorashooyinka Puntland waa inay dhammaystiraan doorashooyinkii golayaasha deegaannada ee degmooyinkii hadhsanaaa. Ugu dambeyn, waxaa Golaha loo qeybiyey Miisaaniyadda sanadka 2024, taas oo lagu wareejiyey Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada, ka dib markii Goluhu ku sameeyey akhriska 1-aad si Guddigu ugu soo sameeyo akhriska labaad, Golahana u soo gudbiyaan warbixintooda maalinta khamiista 14th Diseembar, 2023. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiilada Dawladda Puntland E-mail: info@puntlandparliament.com Facebook: https://facebook.com/Parliamentofpl Instagram: https://instagram.com/Parliamentofpl Telegram: https://t.me/parliamentofpl

Fadhiga 12-aad ee Kalfadhiga 53-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Fadhiga 11-aad ee Kal-fadhiga 53-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, November 26, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 11-aad ee Kal-fadhiga 53-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta ayaa waxaa soo xaadiray 48 mudane, waxaana looga hadlay arrimaha Siyaasadda Puntland, Amniga iyo sidii xildhibannada Golaha Wakiilladu door muhiim ah uga qaadan la haayeen ilaalinta midnimada & wadajirka Puntland si nabad iyo xasilooni ay ku jirto. Sida qorshaha ahaa fadhiga maanta ayaa lagu wadday in looga doodo wax-ka-bedelka Xeerka doorashooyinka Puntland, hasse yeeshee Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibril ayaa Xildhibaannada la wadaagay in wax-ka-bedelka xeerka la gelinayo la tashi guud. Fadhiga oo qaatay wakhti dheer ayaa la isla qaatay in Xildhibaannada dib loogu soo wargeliyo fadhiga dambe si loo dhammeystiro shaqooyinka Golaha horyaal maalmaha soo socda haddii EEBBE idmo. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiilada Dawladda Puntland E-mail: info@puntlandparliament.com Facebook: https://facebook.com/Parliamentofpl

Fadhiga 11-aad ee Kal-fadhiga 53-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Fadhiga 10-aad, Kal-fadhiga 53-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Fadhiga 10-aad, Kal-fadhiga 53-aad Fadhiga maanta oo qorshuhu ahaa wax-ka-bedelka Xeerka Doorashooyinka Puntland, kaas oo 14kii Bisha November, 2023 Guddoonka Golaha u xil saaray guddi gaar ah. Guddiga loo xil-saaray xeerka ayaa Golaha u soo gudbiyay qoraal ku saabsan wax-ka-bedelka xeerka Doorashooyinka Puntland oo guddigu gacanta ku hayay, kaas oo maanta qorshuhu ahaa in goluhu ka doodo si waafaqsan Qodobka 70-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland iyo Qodobka 58-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa golaha la wadaagay in La tashi guud kadib, maalinta Axad ah ( 26-Nov, 2023) Golaha dib loogu soo celin doono Xeerka Doorashooyinka Puntland. – DHAMMAAD

Fadhiga 10-aad, Kal-fadhiga 53-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Read More »

Fadhiga 9-aad ee Kal-fadhiga 53-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, November 14, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 9-aad ee Kal-fadhiga 53-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta Ajandihiisa oo ahaa ka doodista Xeerka Cashuuraha Berriga oo Goluhu maalintii 2-aad akhriska 3-aad ku samaynayo, si waafaqsan Dastuurka Dawladda Puntland Qodobkiisa 64-aad farqadiisa 1-aad iyo Qodobka 3-aad farqadiisa 1-aad ee iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Puntland, iyadoo Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisbaadka Golaha Wakiillada uu gacanta ku hayey xeerka ayna kulamo latashi kala yeesheen hay’adaha uu khuseeyo Xeerku. Dood iyo falanqeyn dheer kadib xildhibannada Golaha Wakiillada ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyey Xeerka Cashuuraha Berriga oo muhiimad gaar ah u leh qaabka dakhli kobcinta, uruurinta cashuuraha iyo dhakhliga Dawladda Puntland, si dawladda u bixiso adeegayada ay shacabka u hayso. Guntanka fadhiga oo ahaa (37) Mudane, waxaa ugu codeeyey oggol (30) Mudane, diidmo (2) Mudane, halka ay ka aamuseen (5) Mudane. Ugu dambeyntii, waxaa xildhibaannada Golaha Wakiillada loo qeybiyey Wax-ka-bedelka Xeerka Doorashooyinka Puntland oo Golaha Xukuumamdu soo gudbisey, waxaana lagu wareejiyey Guddiga gaar ah oo guddoonka Golahu u-xil-saaray ka shaqeynta Xeerarka Doorashooyinka ee Golaha horyaal, waxayna Guddigu warbixinta wax-ka-bedelka Doorashooyinka golaha dib ugu soo celin doonaan Maalinta Isniinta oo tariikhdu ku beegan tahay 20 November ,2023 haddii Alle idmo. Dhammaad.

Fadhiga 9-aad ee Kal-fadhiga 53-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Fadhiga 8-aad ee Kal-fadhiga 53-aad ee Golaha Wakiillada.

Garoowe, November 13, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 8-aad ee Kal-fadhiga 53-aad ee Golaha Wakiillada. Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada oo gacanta ku hayey akhriska 2-aad ku sameeyey Xeeraka Dakhliga Cashuuraha Berriga Puntland ayaa Golahu warbixinta ka dhegeystay, tasoo la la xiriirtey latashiyo uu la yeeshay dhammaan Hay’adaha uu khuseeyo Xeerka iyo wax-ka-bedelka Godobo kamid ah Xeerka. Intaas kadib, Golahu wuxuu guda galay ka doodista Xeerka qodob-qodob, si waafaqsan Dastuurka Dawladda Puntland. Xeerka dhakhliga Cashuuraha Berriga Puntland ayaa ujeeddadiisu tahay in la tayeeyo qaabka dhakhli uruurinta iyo cashuuraha Berriga Puntland iyo in muwaadiniintu ay bixiyaan cashuuraha ku waajibey ee waafaqan Xeerarka Cashuuraha Puntland, si dawladdu u fuliso adeegyada kala duwan ee loo qabto shacabka. Dooddda wax-ka-bedelka Xeerka Dakhliga Cashuuraha Berriga Puntland ayaa socon-doonta ilaaa maalinta berri oo ku beegan 14 November, 2023 si waafaqsan Qodobka 58-aad ee Xeerka hoosaadka Golaha Wakiillada. DHAMMAAD

Fadhiga 8-aad ee Kal-fadhiga 53-aad ee Golaha Wakiillada. Read More »

Guddiga maaliyadda, dhaqaalaha & xisaabaadka ayaa maanta kulan la yeeshay mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda DPL.

Garoowe, November 12, 2023: Guddiga maaliyadda, dhaqaalaha & xisaabaadka ayaa maanta kulan la yeeshay mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda DPL. Guddiga oo gacanta ku haya, akhriska 2-aad-na ku samaynaya hindise-xeereedka dakhliga cashuuraha berriga, kana duulaya qodobka 58-aad farqadiisa 5-aad ee xeer-¬hoosaadka Golaha Wakiillada waxay Wasaaradda Maaliyadda oo Xeerka soo gudbisay, ka dhageysteen aragtidooda ku aadan muhiimadda xeerkan uu u yeelanayo Dawladda Puntland, iyagoo dhanka kalena su’aalo ka weydiiyey. DHAMMAAD.

Guddiga maaliyadda, dhaqaalaha & xisaabaadka ayaa maanta kulan la yeeshay mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda DPL. Read More »

Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Garoowe, November 08, 2023: Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta Kulan wada tashi ah Xarunta Golaha Wakiillada kula yeeshay qaar ka mid ah Wasaaraha iyo hay’adaha Dawladda. Ujeeddada kulanka ayaa ahayd la tashiga Wasaaraddaha iyo hay’adaha Dawladda ee uu khuseeyo Hindise-Xeereedka Dakhliga Cashuuraha Berriga Puntland oo Guddigu gacanta ku hayo, isla markaana ku sameynayey akhriska labaad si waafaqsan Dastuurka iyo Xeerhoosaadka Golaha Wakiillada. Ugu horeyn, Guddiga ayaa mas’uuliyiinta kulanka ka soo qeybgalay la wadaagay nuqulka Hindise-Xeereedka iyo warbixinta guud oo la xiriirta geedi socodka hanaanka Xeer-dejinta gaar ahaan hawlaha laga qabtay Hindise-Xeereedkan. Sidoo kale, waxay Guddigu mas’uuliyiinta wasaaradaha iyo hay’adaha wax ka weydiiyeen baahidda keentay wax ka bedelka Hindise-Xeereedkan iyo tabashooyinka Bulsho ee la xiriira cashuuraha. Mas’uuliyiinta ka socotay Wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda ee kulan ka soo qeybgashay ayaa Guddiga warbixinta ka siiyey xaaladda Cashuuraha Berriga Puntand, sidoo kale, waxay Guddiga la wadaageen talooyin la xiriira Hindise-Xeereedka Guddiga horyaala. Ugu dambeyntii, Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka ayaa sii wadi doona falan-qeynta, iyo isku-dabaridka Hindise-Xeereedka Dakhliga Cashuuraha Beriga Puntland iyadoo la filayo in ay horgeeyaan Golle weynaha Maalinta Sabtida oo tariikhdu ku beegan tahay 11 November ,2023 si Golle weynuhu ugu sameeyo akhriska seddexaad, haddii Alle idmo. DHAMMAAD.

Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Read More »

Scroll to Top