Golaha Wakiillada

Wararka

Saggootinta Garsoore Axmed Soomaali ( SAWIRO)

Garoowe, December 12, 2022:  Hawl-wadeenada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta Qado sharafeed & saggootin ugu sameeyey  Beerta Arlo, Garsoore Axmed Xuseen (Soomali) oo muddo 17-sano ah ka mid ahaa hawl-wadeenada Golaha Wakiilladda, islamarkaana dhawaan ka mid noqday Xubnaha Maxkamadda Dastuuriga ee Puntland. Qado sharafta ayaa waxaa ka qeyb-galay Xoghyaha Guud Golaha, Agaasimeyaal iyo Hawl-wadeenada Golaha Wakiilllada. Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirisaaq Xidig Warsame ayaa sheegay in Garsoore Axmed Soomali uu door muhiim ah ku lahaa shaqada Golaha Wakiillada, wuxuuna u rajeeyey in mas’uuliyadda  loo igmaday uu Alle u fududeeyo. Garsoore Axmed Soomali ayaa ka mahadceliyey kulanka maamuuska leh ee loo sameeyey, isagoo howl-wadeennada kula dardaarmay in lasii labo jibaaro shaqada baaxada leh ee dalka loo hayo. Ugu dambeyn, hawl-wadeenada Golaha oo sagootiyey Garsoore Axmed Xuseen ayaa kula dardaarmay inuu kaalin wanaagsan ka qaato hagaajinta dawladnimada ee dhanka sarreynta sharciga. DHAMMAAD

Saggootinta Garsoore Axmed Soomaali ( SAWIRO) Read More »

Ansixinta & Xasaanada-siinta Garsoorka, Maxkamadda Dastuuriga, Wasiiro & Xiritaanka Kalfadhiga 51-aad ( Warbixin)

Garoowe, December 08, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 20-aad ee Kalfadhiga 51-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga ayaa Ajandaha ahaa Ansixinta mas’uulyiinta u baahan xasaanada-siinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland sida uu qabo Qodobka 64aad Farqadiisa 16aad ee Dastuurka Dawladda Puntland iyo Qodobka 3 Farqadiisa 10aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL. Ugu horeyn, waxaa Golaha hor-yimi Guddiga Sare ee Maamulka Garsoorka Puntland, Xildhibaannada ayaa dhageystay Taariikhdooda, waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 47 Xildhibaan, Diidmo 1, aamus 1. Xubnaha Xasaanadda la siiyey ayaa kala ah: Dhinaca kale, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, ayaa Cod aqlabiyad leh ku ansixiyey 4 xubno oo ka mid noqonaya Maxkamadda Dastuuriga ah, waxaa Oggol ugu codeeyay 43, diidmo 3 , aamus 2 mudane. Xubnahaa ayaa kala ah: 24 sanno ka dib waa markii 1aad oo ay Puntland yeelto Maxkamad Dastuuri ah. Fadhiga ayaa sidoo kale, Xasaanada lagu siiyey 6 xubnood oo ka mid ah Golaha Wasiiradda Dawladda Puntland kuwaa oo dhawaan uu magacaabay Madaxweynaha Dawladda Puntland, waxaa Oggol ugu codeeyay 45, diidmo 2 , aamus ma jirin. Xubnaha Golaha Wasiiradda ayaa kala ah; Dhammaan xubnaha maanta Xasaanadda la siiyey ayaa waxaa dhaariyey Garsoore Siciid Axmed Faarax oo ka tirsan Maxkamadda sare sida uu qabo Qodobka 132-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland, oo sheegaya in qof kasta oo xil-sare ka qabanaya Dawladda Puntland ay dhaarinayso Maxkamadda Sare ee Dawladda Puntland. Dhaarta Dastuuriga ah: ” Waxaan ku dhaaranayaa magaca Illaahay, inaan ku dhaqmo diinta Islaamka, dastuurka dalka Puntland iyo qawaaniintiisa dhawro, xilka la ii dhiibay daacadnimo u guto, dalka iyo dadkiisana Lillaahi ugu adeego.” Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa faray in mas`uuliyiinta Xasaanada la siiyey ay ilaaliyaan dhaarta dastuuriga ah, una hoggaansamaan Qodobka Dastuuriga ah ee kor ku xusan. Ugu dambeyntii, Gudddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriill ayaa soo xiray kalfadhiga 51-aad DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Ansixinta & Xasaanada-siinta Garsoorka, Maxkamadda Dastuuriga, Wasiiro & Xiritaanka Kalfadhiga 51-aad ( Warbixin) Read More »

Fadhiga 19-aad ee Kalfadhiga 51-aad ( Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Wax-ka-bedelka xeerka Shaqaalaha Rayidka) MUUQAAL

Garoowe, December 07, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 19-aad ee Kalfadhiga 51-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Ajandaha fadhiga ayaa ahaa ka doodista wax-ka-bedelka Xeerka Shaqaalaha Rayidka Dawladda Puntland oo Goluhu ka doodeyey maalintii 2aad, kadib markii Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Golaha Wakiillada. ee Golaha wax-ka-bedel iyo kaabis ku sameeyeyn. Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaana qodob-qodob uga doodayey, una ansixiyey si waafaqsan qodobka 70-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland. Sida ku cad, ujeeddooyinka Xeerka ayaa ah ilaalinta u sinnaanta fursadaha shaqo ee Dawlad, ilaalinta iyo maareynta Xogta Shaqaalaha iyo suggida arragtida Siyaasada maamul ee horumarinta habsami u socodsiinta shaqada Dawladda iyo daryeelka shaqaalaha. Intaa kadib, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, waxay maanta Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Wax-ka-bedelka xeerka Shaqaalaha Rayidka Dawladda Puntland, waxaa Oggol ugu codeeyay 35, cid diiday ma Jirin, aamus 1 mudane. Xeerka ayaa ka kooban 56 Qodob kaas oo si faah-faahsan uga hadlaya Xuquuqda Shaqaalaha &waajibaadka shaqaalaha Rayidka Dawladda Puntland. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta, Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga 19-aad ee Kalfadhiga 51-aad ( Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Wax-ka-bedelka xeerka Shaqaalaha Rayidka) MUUQAAL Read More »

Fadhiga 18-aad  ee Kalfadhiga 51-aad ( Dooda Wax-ka-bedelka Xeerka Shaqaalaha Rayidka) Muuqaalo

Garoowe, December 06, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 18-aad  ee Kalfadhiga 51-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Ajandaha fadhiga ayaa ahaa ka doodista wax-ka-bedelka xeerka Shaqaalaha Rayidka Dawladda Puntland, kaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Shaqadda, Shaqaalaha, Dhallinyaradda yo Ciyaaraha DPL, kadibna lagu wareejiyey Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Golaha Wakiillada. Guddiga ayaa kusoo sameeyay akhriska 2aad kadib la tashiyo ay la yeesheen dhammaan dhinacyadda uu Xeerka saameynayo, waxayna Kaabis iyo wax-ka-bedel ku sameeyn 38 qodob, iyagga oo ku kordhiyeen 9 qodob oo cusub, Xeerka ayaana ka kooban 56 Qodob. Ujeeddooyinka Xeerka ayaa ah ilaalinta u sinnaanta fursadaha shaqo ee Dawlad, ilaalinta iyo maareynta Xogta Shaqaalaha iyo suggida arragtida Siyaasada maamul ee horumarinta habsami u socodsiinta shaqada Dawladda iyo daryeelka shaqaalaha. Sidoo kale, waxa uu Wax-ka-bedelka xeerka si faah-faahsan uga hadlaya dhammaan qeybaha kala duwan ee shaqaalaha Rayidka, heerarka aqoontooda, shuruudaha ka mid noqoshada shaqaalaha Dawladda, magacaabista, dhiira-gelinta dallacaadaha iyo mushaarkooda. Sidoo kale, Golaha Wakiillada ayaa maalmaha fasax shaqaalaha Dawladda waafajiyey sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland Qodobka 37aad, farqada 4aad oo u dhigan “ Shaqaale kasta waxa uu xaq uu leeyahay maalin nasasho ah toddobaadkiiba, fasax sannadeed, fasaxa ciidaha ee qaanuunku jideeyay. Haweenka waxaa intaas u dheer fasaxyada dhalmada iyo naas-nuujinta.” Shaqaalaha fasaxa ku jira waxba iska dhimi mayaan xuquuqdooda mushaar.” taas oo meesha ka saaraysa maalmaha fasax ee Xukumadda soo gudbisay kuwaa oo ahaa Jimce & Sabti. Dooda xeerka ayaa sii socon doonta illa maalinta berri ah. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Fadhiga 18-aad  ee Kalfadhiga 51-aad ( Dooda Wax-ka-bedelka Xeerka Shaqaalaha Rayidka) Muuqaalo Read More »

Scroll to Top