Golaha Wakiillada

Fadhiga 21-aad ee kalfadhiga 58-aad Golaha wakiillada Puntland

๐†๐š๐ซ๐จ๐จ๐ฐ๐ž, ๐Ÿ๐Ÿ— ๐‰๐ฎ๐ฅ๐ฒ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ” โ€“ Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Ee Golaha Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir guddoomiyey ๐…๐š๐๐ก๐ข๐ ๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ee ๐Š๐š๐ฅ๐Ÿ๐š๐๐ก๐ข๐ ๐š ๐Ÿ“๐Ÿ–-๐š๐š๐ ee Golaha Wakiillada Puntland.

Fadhiga maanta wuxuu ajanduhu ahaa Ka doodista Siyaasadda Dawladda Puntland ee ku aaddan arrimaha Federaalka Soomaaliya iyo qorshaha marxaladda kala-guurka.

Xildhibaannada Golaha ayaa si qoto dheer uga dooday ilaalinta danaha Puntland, habraacyada lagu wajahayo marxaladda kala-guurka, iyagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la helo siyaasad waafaqsan Dastuurka Dowladda Puntland, isla markaana ilaalinaysa danaha iyo maslaxadda shacabka Puntland.

Sidoo kale,waxaa si qoto dheer xildhibaannadu uga doodeen in mas’uuliyiinta Fedeaalka Soomaaliya in aysan ka shaqeynta maslaxadda umadda Soomaaliyeed, balse ay ku hawlan yihiin isku dirka iyo iska horkeenka bulshada Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, Xildhibaannadu waxay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada, wadajirka iyo isku-duubnida shacabka iyo Dowladda Puntland. Sidoo kale, waxay ku baaqeen in si wadajir ah looga hortago loogana feejignaado wax kasta oo wax u dhimi kara Aminga, midnimada, xasilloonida iyo danaha Dowladda Puntland .

Ugu dambayn, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa Guddiga Siyaasadda, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah Ee Golaha u xilsaaray soo ururinta doodaha, aragtiyaha iyo talooyinka ay soo jeediyeen Xildhibaannadu iyagoo dib-u-eegis ku samayn doona qodobada la isku raacay iyo talooyinka la soo bandhigay, ka dibna dib ugu soo gudbin doona Golaha,si loogu beddelo goโ€™aan Gole.

DHAMMAAD

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top