๐๐๐ซ๐จ๐จ๐ฐ๐, ๐๐ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฒ ๐๐๐๐ โ Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Hon Abdirisak Ahmed Said, oo Ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Ee Golaha Hon Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Ee Golaha Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir guddoomiyey ๐ ๐๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐๐-๐๐๐ ee ๐๐๐ฅ๐๐๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐๐-๐๐๐ ee Golaha Wakiillada Puntland.
Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa Soo jeedinta wax- ka-bedelka Dastuurka Dawladda Puntland oo ay Golaha u soo gudbiyeen Guddiga gaarka ah ee Falanqeynta wax-ka-bedelka Dastuurka Dawladda Puntland
Ugu horreyn, Guddiga Gaarka ah ayaa Golaha la wadaagay warbixintooda iyo soo jeedinta wax-ka-beddelka Dastuurka Dowladda Puntland, taas oo ku salaysan arrimaha doorashooyinka iyo dimuqraadiyeynta, si loo waafajiyo hannaanka dimuqraadiyadeed iyo horumarinta nidaamka dowladnimo ee Puntland.
Dood iyo falanqeyn dheer ka dib oo ay ka yeesheen mudanayaasha Golaha, waxaa Oggol ugu codeeyay 41 mudane, Diidmo majirin, waxaa ka aamusay 4 Mudane , waxaana sidaas ansax ku noqday soo jeedinta Xukuumadda ee ku aaddan wax-ka-bedelka si waafaqan 139 ee Dastuurka Puntland.
DHAMMAAD



