Garoowe, 2 Luulyo 2026 โ ๐๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐ ๐๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐ฎ๐๐๐ก๐, ๐ ๐๐๐๐ซ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ข๐ฆ๐ฎ๐ช๐ซ๐๐๐๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa maanta kulan la-tashi ah oo ku saabsan wax-ka-beddelka Xeerka Maamulka Gobollada, Degmooyinka iyo Dhismaha Dowladaha Hoose la yeeshay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, Duqa Caasimadda Garoowe, ku-xigeenkiisa iyo hawl-wadeenno ka tirsan Dowladda Hoose ee Garoowe.
Kulanka, oo uu shir-guddoominayey Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda, Mudane Xildhibaan Cabdirisaaq Jaamac Aadan, ayaa ujeeddadiisu ahayd in la helo talooyin iyo aragtiyo ku saabsan geeddi-socodka wax-ka-beddelka Xeerka Maamulka Gobollada, Degmooyinka iyo Dhismaha Dowladaha Hoose. Xeerkan oo maraya akhriskiisa labaad, si waafaqsan Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada.
Intii uu kulanku socday, guddigu waxa uu masโuuliyiinta weydiiyey suโaalo la xiriira qodobbada xeerka, si loo helo aragtiyo iyo talooyin wax ku ool ah oo lagu tayeeyo xeerka, isla markaana loo fududeeyo hirgelintiisa iyo dhaqangelintiisa.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray ururinta talooyinka iyo fikradaha la xiriira dib-u-eegista xeerka, si loo diyaariyo xeer waafaqsan baahiyaha maamulka iyo horumarinta nidaamka dowladaha hoose.
Masโuuliyiinta Dowladda Hoose ee Garoowe ayaa ka jawaabay suโaalihii la weydiiyey, iyagoo sidoo kale soo jeediyey talooyin iyo aragtiyo ku saabsan qodobbada wax laga weydiiyey, si xeerku u noqdo mid ka jawaabaya baahiyaha jira isla markaana fududeeya hannaanka maamulka dowladaha hoose.
DHAMMAAD



