Garowe, 22 July 2026- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Hon Abdirisak Ahmed Said, ayaa maanta qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Ambassador Cabdisalaam Hadliye Cumar. Wafdiga waxaa sidoo kale ka mid ahaa Guddoomiyaha Jaamacadda Puntland State University (PSU), Prof. Maxamuud Sheekh Xaamud.
Ambassador Cabdisalaam Hadliye Cumar, oo casuumaad rasmi ah ka helay Jaamacadda Puntland State University (PSU), ayaa booqasho ku jooga Puntland. Intii uu kulanku socday, waxaa diiradda lagu saaray horumarinta waxbarashada sare ee Puntland, kor u qaadidda tayada tacliinta, iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya hayβadaha dowladda iyo xarumaha tacliinta sare, si loo kobciyo aqoonta iyo horumarka bulshada.
DHAMMAAD



