Golaha Wakiillada

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada ayaa ka qayb galay munaasabad tababar loogu furayay cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.

Qardho, 9 April 2026- Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Hon Mohamed Baarri Shire, ayaa Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, kala qayb galay munaasabad tababar loogu furayay cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland, gaar ahaan guutada saddexaad ee ka hawlgalaysa buuraleyda Calmiskaad.

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa door muuqda ka qaatay arrimaha ciidamada, isaga oo lagu xasuusto kaalintii firfircoonayd ee uu ka qaatay howlgalkii Hilaac, kaas oo door weyn ka ciyaaray xoojinta amniga iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada.

Tababarka galabta loogu furay guutada saddexaad ee Ciidanka Daraawiishta, xarunta tababarada Ciidanka ee Xorgoble ee magaalada Qardho, ayaa qeyb ka ah qorshe ballaaran oo ay Dowladdu ku horumarinayso khibradda, aqoonta iyo tayeynta Ciidamada. Sidoo kale, guutada labaad ee Ciidanka ayaa iyaduna tababar uga bilaabanaya kulliyadda tababarada Ciidanka ee Gen. Green ee degmada Badhan.

Munaasabadda waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, saraakiisha kala duwan ee Ciidamada, la-taliyeyaal Madaxweyne, maamulka gobolka Karkaar, maamulka degmada Qardho iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Tababarradan ayaa muujinaya dadaalka joogtada ah ee Dowladda Puntland ku bixinayso xoojinta awoodda difaaca iyo sugidda amniga guud ee deegaannada Puntland.

DHAMMAAD

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top