Golaha Wakiillada

Fadhiga 8-aad ee Guddiga Joogtada ah.

Garoowe, April 13, 2026: Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Hon Mohamed Baarri Shire, ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 8-aad ee Guddiga Joogtada ah.

Fadhiga maanta waxaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee Puntland, iyadoo warbixinno laga dhegeystey madax-guddiyeedyada kala duwan. Warbixintaas oo la xiriirtey Amniga Guud ee Puntland, Arrimaha bulshada, siyaasadda, Kaabayaasha dhaqaalaha iyo warbixin la xiriirta roobabka gu’ga ee ka da’aday deegaannada Puntland.

Intii fadhiga lagu guda jirey waxaa warbixin dhammaystirin Guddiga ka siiyey Guddoomiye Maxamed Baari Shire, guusha laga gaarey ee aaddan la dagaalanka Aragagixisada Daacish ee dhuumaalaysata Buuraha Calmiskaat iyo dedaalka iyo qorsheyaasha ay waddo dawladdu sidii loo soo afjarilahaa.

Guddiga Joogtada ah ayaa kula dardaarmay bulshada Deegaanka in ay meel uga soo wada jeestaan dhammaystirka soo afjaridda Kooxda Daacish.

Fadhiga maanta ayaa Guddiga Joogtada ah loo qeybiyey xeerarka uu Goluhu ku ansixiyey kalfadhigii 57-aad ee Golaha wakiillada, Madaxweynuhuna saxiixay, Faafinta rasmiga ahna lagu soo saaray, si guddiyadu ay dabagal ugu sameeyaan dhaqangalkooda.

Dhinaca kale, si waafaqsan Xeerka Maamulka Maaliyadda Guud ee Puntland Guddiga Joogtada ah ayaa ansixiyey kororka misaaniyadda 2026 mashruuca ay fulinayo Hay’adda badbaadada Carruurta ee Save the Children oo kaashanaysa sanduuqa gaar-gaarka banii’aadantinimada Soomaaliyeed ee SOM-HF, kaasoo ka mid ah mashaariicda taageera horumarinta adeegga caafimaadka Puntland, koror kaasoo ay Wasaaradda Maaliyaddu u soo gudbisay Golaha Wakiillada, lana soo marinayo khasnadda mideysan ee dawladda Puntland,si loo xoojiyo nidaamka maareynta maaliyadda dadweynaha loona hagaajiyo hufnaanta, la xisaabtanka iyo nidaamka dawladnimada.

Ugu dambayntii, guddiga Joogtada ah waxay isla qataay in la dar-dargeliyo qorsheyaasha iyo shaqooyinka ay guddiyadu gacanta ku hayaan.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah kala xiriir:

Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top