Golaha Wakiillada

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee golaha wakiillada ayaa ka qayb galay munaasabadda dhaarinta Maxkamadda Sare iyo Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka sida iyo Dambiyada culus.

Garowe, 20 April 2026- Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Hon Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Hon Mohamed Mahamud Esse ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa ka qayb galay munaasabadda dhaarinta Maxkamadda Sare iyo Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus, taas oo uu goob joog ka ahaa Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale ka soo qayb galay Guddoomiyaha Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka, Guddoomiyaha Guddiga Amniga iyo Nabadgelyada Ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda, masuuliyiinta Maxkamadda Sare, Taliyeyaasha Ciidamada Booliiska iyo Asluubta, la-taliyeyaasha Madaxweynaha, Agaasimaha Guud iyo Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada, iyo saraakiil kale oo ka tirsan Madaxtooyada.

DHAMMAAD

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top