Carmo, 30 April 2026- Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Barri Shire, ayaa ka qayb galay munaasabadda dhaarinta ciidanka cusub ee Booliska Birmadka Puntland.
Guddoomiye ku-xigeenka ayaa waxaa ku weheliyey Taliyaha Booliska Dowladda Puntland ,maamulka degmada iyo saraakiil kale oo ka tirsan laamaha amniga.
Munaasabaddan ayaa muujinaysa dadaalka Dowladda Puntland ee ku aaddan xoojinta amniga, horumarinta tayada ciidamada, iyo sugidda nabadgelyada guud ee shacabka. Mas’uuliyiinta ayaa dhiirrigelin u jeediyay ciidanka cusub, iyagoo ku booriyay inay si daacadnimo, karti iyo waddaniyad leh ugu adeegaan dalka iyo dadka.
DHAMMAAD



