Golaha Wakiillada

Guddiga joogtada ah ee golaha wakiillada ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Guddoomiyaha Xafiiska Hanti-dhawrka guud ee Puntland

Garoowe, 24 May 2026 — Guddi gaar ah oo ka tirsan Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Puntland, una xilsaaran kor-joogtaynta mashaariicda, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Guddoomiyaha Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Puntland.

Guddoomiyaha guddiga gaarka ah, Maxamuud Shire Cismaan, ayaa Guddoomiyaha Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Puntland la wadaagay ujeeddada kulanka iyo muhiimadda wada shaqaynta hay’adaha dawladda, isaga oo carrabka ku adkeeyey dedaallada lagu xoojinayo maamul wanaagga, isla xisaabtanka iyo hufnaanta hay’adaha dawladda Puntland.

Ujeeddada kulanka oo ahayd waa in la hubiyo in mashaariicda iyo hantida dawladda loo maamulo si nidaamsan oo wax ku ool ah, isla markaana la xoojiyo dawladnimada iyo hirgelinta horumar waara oo la taabogal ah.

Intaas kadib, Guddoomiyaha Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Puntland ayaa xildhibaannada siiyey warbixin dhammaystiran oo ku saabsan waxqabadka xafiiska muddadii uu xilka hayey, guulaha la gaaray, qorshayaasha mustaqbalka, caqabadaha jira, iyo talooyin guud oo la xiriira dhaqangelinta talo-bixinnada xafiiska hanti-dhawrka.

Sidoo kale, xildhibaannadu waxay su’aalo ka weydiiyeen Guddoomiyaha Hanti-dhawrka arrimo waajibaadka xafiiska ee ku aaddan habraacyada qandaraas-bixinta, warbixinta fulinta mashaariicda si waafaqsan nidaamka loo dejiyey, shaqaalaysiinta shaqaalaha, dhaqan-gelinta xeerarka, dabagalka fulinta talooyinka xafiiska, iyo xoojinta wada shaqeynta hay’adaha dawladda.

DHAMMAAD

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top