๐๐๐ซ๐จ๐จ๐ฐ๐, ๐๐ ๐๐ฎ๐ง๐ ๐๐๐๐ โ Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha, Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyay ๐ ๐๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐-๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐ฅ๐๐๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐๐-๐๐๐ ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.
Ajandaha fadhiga maanta ayaa ahaa sii-wadista dhageysiga Warbixinta Guddiyada Golaha Wakiillada DPL.
Maanta waxaa warbixintooda Golaha la wadaagay guddiga kala ah :-
1- Guddiga Amniga iyo Nabadgelyada.
2- Guddiga Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda.
3- Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta.
Xildhibaannada Golaha ayaa suโaalo iyo faahfaahin dheeraad ah ka waydiiyay guddiyada warbixinnadii iyo kormeeradii ay soo sameeyeen muddadii u dambeysay.
Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa sii wadi doona dhageysiga warbixinnada Guddiyada Joogtada ah.
DHAMMAAD



