Golaha Wakiillada

Wararka

Guddiga Xuquuqul insaanka, Haweenka & Arrimaha Qoyska.

Garoowe, june11, 2024: Guddiga Xuquuqul insaanka, Haweenka & Arrimaha Qoyska ayaa maanta yeeshay kulan la qaatay. 1. Wasaaradda Haweenka & Horumarinta Qoyska 2. Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland Ujeeddada kulan ayaa ahayd isbarasho iyo la socoshada hannaanka shaqo Hay’adaha Dawladda, xoojinta wadashaqeynta hay’adaha dawladda si waafaqsan Dastuurka Dawladda Puntland iyo xeerarka kale ee dalka Mas’uuliyiinta Wasaarada Haweenka & Xafiiska Difaacaha Xuquuq Aadanaha ayaa guddiga la wadaagay waxqabadkooda muddadii ay xilka ahayeen, qorsheyaasha hortabinta u leh iyo caqabadaha jira. Guddiga ayaa mas’uuliyihiinta kula dardaarmay in la ballaariyo adeegyada ay Wasaaraduhu u hayaan shacabka Puntland, lagana dhabeeyo hiigsiga iyo himilooyinka Puntland, lana hirgeliyo Barnaamijka Xukuumadda. https://t.me/parliamentofpl – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddiga Xuquuqul insaanka, Haweenka & Arrimaha Qoyska. Read More »

GOLAHA WAKIILLADA IYO DALLADA PUNSAA OO KALA SAXIIXDAY HESHIIS WADA SHAQAYN.

Garoowe, June 11, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said ayaa goob-joog ka ahaa Heshiiska wada shaqaynta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland & Dallada Ururada Bulshada Rayidka Puntland ee PUNSAA. Heshiiskan ayaa waxaa saldhig u ah xoojinta wada shaqeynta Golaha Wakiillada iyo Bulshada Rayidka ee arragti wadaaga iyo is-weydaarsiga wadaaga arrimaha bulshada, dhaqaalaha, amniga, horumarka iyo siyaasadda. Sidoo kalena, la abuuro- hannaan wax ku ool leh oo ay xogta isugu gudbiyaan. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa sheegay inay muhiimad gaar ah u leedahay in dadweynaha loo dhaweeyo tallada, lagana qeyb-geliyo shaqooyinka Golaha Wakiilada qabnayo. Golaha Wakiillada waxaa u saxiixay heshiiska Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Xiddig Warsame halka Dallada PUNSAA uu u saxiixay Guddoomiyaha Dallada PUNSAA Mudane Cabdirahman Cabdirisak Cabdirahman. – DHAMMAAD

GOLAHA WAKIILLADA IYO DALLADA PUNSAA OO KALA SAXIIXDAY HESHIIS WADA SHAQAYN. Read More »

Guddiga Howlaha guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha Golaha Wakiillada.

Garoowe, June 09, 2024: Guddiga Howlaha guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha Golaha Wakiillada ayaa maanta kormeer shaqo ku tagey 1. Wakaallada Horumarinta Tamarta. 2. Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta. 3. Hay’adda Horumarinta Jidadka ee PHA 4. Hay’adda Qandaraas Bixinta iyo Iibka. Ujeeddada kormeer ayaa ahayd u kuurgelidda hannaanka shaqo Hay’adaha Dawladda, xoojinta wadashaqeynta hay’adaha dawladda si waafaqsan Dastuurka DPL iyo xeerarka kale ee dalka Mas’uuliyiinta Hay’adaha ayaa guddiga la wadaagay waxqabadkooda muddadii ay xilka ahayeen, qorsheyaasha hortabinta u leh iyo caqabadaha jira. Guddiga ayaa mas’uuliyihiinta kula dardaarmay in la ballaariyo adeegyada ay Wasaaraduhu u hayaan shacabka Puntland, lagana dhabeeyo hiigsiga iyo himilooyinka Puntland, lana hirgeliyo Barnaamijka Xukuumadda. -DHAMMAAD

Guddiga Howlaha guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha Golaha Wakiillada. Read More »

Guddiga Howlaha guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha Golaha Wakiillada.

Garoowe, June 08, 2024: Guddiga Howlaha guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha Golaha Wakiillada oo maanta kormeer shaqo ku tagey Wasaaradaha Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga & Duulista Hawada iyo Garoomada ayaa warbixin ka ka dhageystay mas’uuliyiinta Wasaaradahaas Ujeeddada kormeer ayaa ahayd u kuurgelidda hannaanka shaqo Wasaaradahaaas, xoojinta wadashaqeynta hay’adaha dawladda si waafaqsan Dastuurka DPL iyo xeerarka kale ee dalka Mas’uuliyiinta Wasaaradaha ayaa guddiga la wadaagay waxqabadkooda muddadii ay xilka ahayeen, qorsheyaasha hortabinta u leh iyo caqabadaha jira. Guddiga ayaa mas’uuliyihiinta kula dardaarmay in la ballaariyo adeegyada ay Wasaaraduhu u hayaan shacabka Puntland, lagana dhabeeyo hiigsiga iyo himilooyinka Puntland, lana hirgeliyo Barnaamijka Xukuumadda. -DHAMMAAD-

Guddiga Howlaha guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha Golaha Wakiillada. Read More »

GUDDIGA DHAQAALAHA GOLAHA WAKIILLADA OO KORMEER KU TAGEY WASAARADDA MAALIYADDA DAWLADDA PUNTLAND.

Garoowe, June 08, 2024: Guddiga Maaliyadda Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiillada oo maanta kormeer shaqo ku tagey Wasaaradda Maaliyadda ayaa warbixin ku saabsan xaaladda dhaqaale ee dalka ka dhageystay mas’uuliyiinta Wasaaradda. Warbixiinta ayaa ku saabsan shaqooyinka Wasaaradda horyaala iyo caqabadaha jira, iyadoo sidoo kalena, Guddigu ay su’aalo ka weydiiyeen arrimaha ay ka hadleen masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyaddu. Ugu dambeyntii, Xildhibaannada ayaa sheegay in warbixino ku saabsan korjoogtayn ay mudooyinkan wadeen ay horgeyn doonaan Kalfadhiga guud ee Baaralamaanka. -DHAMMAAD-

GUDDIGA DHAQAALAHA GOLAHA WAKIILLADA OO KORMEER KU TAGEY WASAARADDA MAALIYADDA DAWLADDA PUNTLAND. Read More »

Guddiga Arrimaha Deegaanka & Kheyraadka dabiiciga ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, Juun 08, 2024: Guddiga Arrimaha Deegaanka & Kheyraadka dabiiciga ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa xarunta Golaha Wakiillada kulan kula qaatay masuuliyiinta Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Dawladda Puntland. Kulanka Guddiga ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka cimilada ayaa ahaa mid isbarasho ah, sidoo kalena masuulyiinta Wasaaradda ayaa uga warbixiyey Guddiga xaaladda deegaanka, iyo weliba Xaalufka dhirta & Isbedelka cimilada. Warbixinta Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ayaa ka saabsaneyd inteeda badan waxyaabaha ay qabtaan Wasaarad ahaan, waxa u qabsoomay, caqabadaha haysta iyo weliba baahiyaha jira, iyadda oo sidoo kalena, su’aalo laga weydiiyay arrimaha ay ka hadleen isla markaana ay Guddigu u hawlgalidoonaan sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha jira, doorkoodna ka qaadanayaan. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddiga Arrimaha Deegaanka & Kheyraadka dabiiciga ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Guddiga Arrimaha gudaha, Federaalka & Dimuqraadiyadda ayaa maanta warbixin ka dhageystay Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta masiibooyinka.

Garoowe, June 02, 2024: Guddiga Arrimaha gudaha, Federaalka & Dimuqraadiyadda ayaa maanta warbixin ka dhageystay Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta masiibooyinka. Shirka ayey Guddigu ku dhageysteen warbixin ku saabsan shaqooyinka Wasaaraddu u hayso dadweynaha reer Puntland, caqabadaha jira iyo waxyaabaha u qabsoomay, iyadoo warbixintaasi kadib Guddigu su’aalo ka weydiiyeen mas’uuliyiinta Wasaaradda arrimaha ay ka hadleen. -DHAMMAAD

Guddiga Arrimaha gudaha, Federaalka & Dimuqraadiyadda ayaa maanta warbixin ka dhageystay Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta masiibooyinka. Read More »

Guddiga Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dimuqraadiyadda.

Garoowe, June 02, 2024: Guddiga Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dimuqraadiyadda ayaa maanta warbixin ka dhageystay Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Puntland (PEC). Kulanka ayey Xildhibaannadu ku dhageysteen warbixin ku saabsan halka ay marayso qabashada doorashada harsan ee Goleyaasha deegaanka, waxqabadka PEC iyo caqabadaha jira, iyadoo warbixintaasi kadib Guddigu su’aalo ka weydiiyeen arrimaha ay ka hadleen mas’uuliyiinta Guddiga Doorashooyinka. DHAMMAAD.

Guddiga Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dimuqraadiyadda. Read More »

Guddiyo kamid ah Golaha wakiiladda Dowladda Puntland oo safar aqoon kororsi jooga magaaladda Nairobi.

Nairobi: Guddiyo kamid ah Golaha wakiiladda Dowladda Puntland oo safar aqoon kororsi jooga magaaladda Nairobi ee Dalka Kenya, ayaa ka qayb galay hadhimo-shareed Soo dhawayn iyo is xogwaraysi isugu jira. Kulanka oo uu soo agaasimay Ganacsade Xaaji Ibraahim Cadde oo ka mid ah jaaliyadda reer Puntland ee Dalka Kenya, sidoo kalana ay kasoo qaybgaleen, Diplomasiyiin, Ganacsato, masuuliyiin ka mid ah Jaaliyadda reer Puntland ee Dalka Kenya iyo Xildhibaanada labada aqal ee Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiiro hore ayay uga wada hadleen xaaladda dalka, fursadaha iyo sidoo kale caqabadaha ka jira. Xildhibaanada ayaa ganacsatada kala hadlay inay dalka maalgashadaan si ay qaybaha kala duwan ee bulshada fursado shaqo uga helaan isla markaan qayb uga noqdaan kobaca dhaqaalaha iyo wax soo saarka Puntland. -DHAMMAAD- Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta, Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Guddiyo kamid ah Golaha wakiiladda Dowladda Puntland oo safar aqoon kororsi jooga magaaladda Nairobi. Read More »

QAAR KA MID AH GUDDIYADA GOLAHA WAKIILLADA OO AQOON KORORSI UGA SOCDO NAIROBI.

Nairobi, May 30, 2024: Waxaa tababar aqoon kororsi ah uga furmay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya qaar ka mid ah Guddiyada Golaha Wakiiladda Dawladda Puntland. Aqoon-is-waydaarsigan waxaa ka qeyb-galay Xubnaha Guddiyada Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka, Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Amniga, Xuquuqda Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Qoyska & Anshaxa iyo Arrimaha Golaha. Sidoo kale, aqoon kororsiga waxaa ka qeyb galay Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada iyo Agaasimaha Xeerarka iyo Xeer-dejinta Golaha Wakiillada. Aqoon kororsigan oo ujeedkiisu ahayd doorka iyo Waajibaadka Guddiyada, hannaanka Xeer-dejinta, ka qeyb-gelka dadweynaha, xoojinta matelaadda xildhibaannada, u qareemidda Caruurta iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba, dejinta qorsheyaal waxtar iyo wax ku ool u leh shaqada Golaha Wakiillada iyo xog is dhaafsi la xiriirka shaqada Baarlamaannada kale, waxaana aqoon kororsi bixinayey xildhibaannado ka tirsan Baarlamaanka dalka Kenya iyo khuburo dhanka Shuruucda ah . Aqoon kororsigan oo muddo afar maalmood ah socday waxaa lagu lafa guray doodo wax ku ool ah, gaar ahaan xuquuqda caruurta iyo xeerarka la xidhidha iyo kor-joogtayntoodaba, iyadoo Xildhibaanadu la yeesheen doodo dhigooda Kenya iyo Madaxda Hay’adda Badbaadada Caruurta (Save the Children) sidii looga wada shaqayn lahaa hormarinta iyo xeerarka xuquuqda caruurta. Ugu dambayn waxaa tababarkii guddiyada kala duwan iyo saraakiisha kale ee Golaha Wakillada ugu soo dhamaaday si guul ah, iyagoo uga mahadceliyey Hay’adda Badbaadada Caruurta(Save the Children) fududaynta iyo taaba-gelinta aqoon kororsigan. -DHAMMAAD- Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta, Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

QAAR KA MID AH GUDDIYADA GOLAHA WAKIILLADA OO AQOON KORORSI UGA SOCDO NAIROBI. Read More »

Scroll to Top