Golaha Wakiillada

Wararka

Fadhiga 7-aad ee Kal-fadhiga 53-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, Nofeembar 05, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 7-aad ee Kal-fadhiga 53-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Ugu horeyn, waxaa xubnaha Golaha Wakiillada loo qeybiyey warbixinta Miisaaniyadda sannadka 2024, si waafaqsan qodobka 136-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland, waxaana la marin doonaa habraaca sharci ee ku cad Dastuurka iyo Xeerhoosaadka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Miisaaniyada Dawladda ee Sannadka 2024-ka ayaa dhan $387,550,700, ( Saddex boqol sideetan iyo todoba malyan , shan boqol iyo konton kun iyo todobo boqol oo dollar) kororka Miisaaniyadda ayaa ah 3% (Boqolkiib seddex) marka la bar-bar dhigo miisaaniyadii sannadkii hore. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa khudbad uu ka jeediyey Golaha Wakiillada waxa uu ku faah-faahiye Miisaaniyadda Dawladda Sannadka 2024-ka, taas oo bilaabneysa dhaqan-galkeeda January 1, 2024-ka kuna eg December 31, 2024 si waafaqsan Qodobka 135-aad farqadiisa 4-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland. Ugu dambeyntii, waxaa xildhibaannada Golaha Wakiillada loo qeybiyey Hindise Xeereedka Cashuuraha Beriga oo ay xukuumaddu usoo gudbisey Golaha Wakiillada, waxaana lagu wareejiyey Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka ee Golaha Wakiillada DPL ah si ay akhrinta labaad ugu soo sameeyaan Golahana ugu soo gudbiyaan wax-ka-bedelka ay ku sameeyaan Hindise Xeereedka Cashuuraha Beriga , waxayna Guddigu warbixinta wax-ka-bedelka Hindise Xeereedka golaha dib ugu soo celin doonaan Maalinta Sabtida oo tariikhdu ku beegan tahay 11 November ,2023 haddii Alle idmo. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Fadhiga 7-aad ee Kal-fadhiga 53-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Fadhiga 6-aad ee Kalfadhiga 53-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe: November 04, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Cawl oo uu weliyey Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 6-aad ee Kalfadhiga 53-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta Ajandaha ayaa ahaa dhegeysiga warbixinta Guddiga Arrimaha Deegaanka iyo Khayraadka Dabiciiga ah ee Golaha Wakiillada DPL oo akhrinta labaad ku soo sameeyey wax-ka-bedelka Xeerka Sahminta Saameynta Deegaanka iyo Bulshada Puntland, si waafaqan Dastuurka Dawladad Puntlad Qodobkiisa 64-aad iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL. Intaas kadib waxaa qodob qodob loo asnixiyey Wax-ka-bedelke Xeerka si waafaqsan Qodobka 70-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland Ugu dambeyntii, dood iyo fanqeyn dheer kadib xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa cod gacan-taag ah ku ansixiyey wax-ka-bedelka Xeerka Sahminta Saameynta Deegaanka iyo Bulshada Puntland kasoo muhiim gaar ah u leh ilaalinta Deegaanka. Guntanka Fadhiga oo ahaa (38) Mudane, waxaa ugu codeeyey aggol (37) Mudane, diidmo majirin halka uu ka aamusey (1) Mudane. Dhammaad Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladad Puntland

Fadhiga 6-aad ee Kalfadhiga 53-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada ayaa xafiiskisa ku qaabilay wefti ka socdey Hay’adda UNDP

Garoowe, November 01, 2023: Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdicasiis Cabdilaahi Cismaan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti uu hogaaminayo Mr Dragan Popivic mas’uulka ugu sareeya barnamaijka siyaasadda loo dhahanyahay ee (UNDP Inclusive politics portfolio manager). Guddoomiye ku-xigeenka iyo weftiga UNDP ayaana ka wada hadlay xoojinta wada shaqeynta UNDP iyo Golaha Wakiilladda DPL iyo sidii hay’adda UNDP taageero buuxda uga geysan lahayd qorshaha horumarinta Golaha Wakiillada DPL. Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Xoghayaha guud ee Golaha Wakiilladda iyo Madaxa Xafiiska UNDP ee Garoowe iyo saarkii kale oo tirsan Golaha Wakiillada iyo Hay’adda UNDP. DHAMMAAD

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada ayaa xafiiskisa ku qaabilay wefti ka socdey Hay’adda UNDP Read More »

Guddiga Arrimaha Deegaanka & kheyraadka dabiiciga ah oo kullan laqaatay wasaaradda Deeganka iyo isbedelka cimilada Puntland.

Garoowe, November 01, 2023: Guddiga Arrimaha Deegaanka & kheyraadka dabiiciga ah ayaa maanta Aqalka Wakiillada kulan kula yeeshay mas’uuliyiinta Wasaaradda Deegaanka & Isbadelka cimilada Puntland. Guddiga oo gacanta ku haya, akhriska 2-aad-na ku samaynaya wax-ka-badelka Xeerka Sahminta Saameynta Deegaanka iyo Bulshada, kana duulaya qodobka 58-aad farqadiisa 5-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada waxay Wasaaradda Deegaanka oo Xeerka soo gudbisay, ka dhageysteen aragtidooda ku aadan muhiimadda xeerkan iyo qodobada wax-ka badelka lagu sameeyey. DHAMMAAD

Guddiga Arrimaha Deegaanka & kheyraadka dabiiciga ah oo kullan laqaatay wasaaradda Deeganka iyo isbedelka cimilada Puntland. Read More »

Fadhiga 5-aad ee Kalfadhiga 53-aad ee Golaha Wakiillada.

Garoowe, October 30, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibril oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 5-aad ee Kalfadhiga 53-aad ee Golaha Wakiillada. Ajandaha ayaa ahaa dhageysiga Warbixinada Guddiyada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo maanta aheyd maalintii 3aad. Waxaa Golaha warbixino ka soo jeediyey Guddiyada kala ah; 1. Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. 2. Guddiga Xuquuqda Insaanka, Haweenka & Arrimaha Qoyska Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Guddiyadda ayaa ka warbixiyey kormeeradii ay ku tageen Hay’adaha Dawladda dhammaan Gobollada dalka. Dhinaca kalena, waxaa Golaha loo qeybiyey Wax-ka-bedelka Xeerka Sahminta Saameynta Deegaanka iyo Bulshada, kaas oo lagu wareejiyay Guddiga Arrimaha Deegaanka & Kheyraadka Dabiiciga ah Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Follow Puntland Parliament on Telegram: https://t.me/parliamentofpl – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Fadhiga 5-aad ee Kalfadhiga 53-aad ee Golaha Wakiillada. Read More »

Fadhiga 4-aad ee Kalfadhiga 53-aad ee Golaha Wakiillada DPL.

Garoowe, October 29, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibril oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 4-aad ee Kalfadhiga 53-aad ee Golaha Wakiillada. Ajandaha ayaa ahaa dhageysiga Warbixinada Guddiyada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, waxaana maanta Golaha Warbixino ka soo jeediyey Guddiyada kala ah; 1. Guddiga Siyaasadda, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha & Xiriirka Caalamiga ah Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. 2. Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta & Isgaarsiinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. 3. Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Guddiyadda ayaa ka warbixiyey kormeeradii ay ku tageen Hay’adaha Dawladda dhammaan Gobollada dalka. Follow Puntland Parliament on Telegram: https://t.me/parliamentofpl – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Fadhiga 4-aad ee Kalfadhiga 53-aad ee Golaha Wakiillada DPL. Read More »

Fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 53-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Garoowe, October 28, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibril oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 53-aad ee Golaha Wakiillada. Ajandaha fadhiga ayaa ahaa qeybinta Ajandaha rasmiga ah, dhageysiga Warbixinada Guddiyada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, waxaana maanta Golaha Warbixin ka soo jeediyey Guddiyada kala ah; 1.Guddiga Anshaxa & Arrimaha Golaha ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland 2. Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga & Kaabayaasha Dhaqaalaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland 3. Guddiga Arrimaha Gudaha, Federalka & Dimuqraadiyadda Golaha Wakiillada Dawladda Puntland 4. Guddiga Arrimaha Deegaanka & Kheyraadka Dabiiciga ah Golaha Wakiillada Dawladda Puntland 5. Guddiga Amniga iyo Nabadgelyadda Golaha Wakiillada Dawladda Puntland – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 53-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Read More »

Fadhiga 2-aad ee Kalfadhiga 53-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, October 26, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibril oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 2-aad ee Kalfadhiga 53-aad kaas oo looga hadlay soo gudbinta Ajandaha Qabyada ah ee Kalfadhiga 53-aad, sidoo kalena looga hadlay soo jeedinta ka mid noqosho xubinnimo Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Soo jeedinta Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Golaha kadib waxaa la dhaariyey Xildhibaan cusub Yaasiin Jaamac Cumar oo bedalay Xildhibaan hore Fu’aad Abshir Axmed ( Adeer) oo ka mid noqday Guddiga Doorashooyinka Puntland – PEC, sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland qodobka 61-aad iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Dhinaca kalena, waxaa Golaha loo qeybin doonaa Ajandaha rasmiga ah maalinta sabti 28-October-2023. – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Fadhiga 2-aad ee Kalfadhiga 53-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Furitaanka Kalfadhiga 53-aad ee Golaha Wakiillada DPL.

Garoowe, October 25, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibril ayaa Khudbad ka jeediyay Furitaanka Kalfadhiga 53-aad ee Golaha Wakiillada DPL kaas oo uu si rasmi ah u furay Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullahi Denni sida uu qabo qodobka 80-aad farqadiisa 12-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland. Furitaanka Kal-fadhiga 53-aad waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Golaha Wakiilladda Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan, Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Wakiiladda Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland, qaar ka mid ah xubnaha Golaha Xukumadda, Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal, Kan degmadda Garoowe, Ururadda Bulshada Rayidka, iyo marti sharaf kale. Guddoomiyaha ayaa ka hadlay shaqooyinka Guddiyadda Golaha intii u dhexeysay labada Kalfadhi. ” Muddadii u dhexaysey labada kalfadhi, Guddiga joogtada ahi waxay wadeen dhammaan hawlihii shaqo ee Golaha Wakiillada si waafaqsan Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada, sidoo kale guddiyada Goluhu iyagoo ka duulaya qodobada 16-aad iyo 62-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada waxay muddadii u dhexaysey labada kalfadhi kormeer shaqo ku tageen Gobollada iyo Degmooyinka Puntland, waxayna korjoogtayn iyo u-kuur-gal kusoo sameeyeen hay’adaha Dawladda si ay xog-ogaal ugu noqdaan sida bulshada loogaarsiiyey adeeggayada arrimaha bulshda, warbixinadda kormeeradaas oo faah-faahsan waxay guddiyadu soojeedin doonaan inta lagu gudajiro kalfadhigan haddii EEBBE idmo.” Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa ka hadlay ayaa si faah-faahsan uga hadlay shaqooyinkii ay Golaha qabteen, sida wax-ka-bedelka Dastuurka, ansixinta Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Puntland ee PEC iyo Xeerar kale. Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullahi Denni ayaa khudbad Dastuuri ah ka jeediyey Furitaanka Kalfadhiga 53-aad ee Golaha Wakiillada DPL isaga oo ka hadlay guud ahaan xaaladaha dalka ee Amniga, Nidaamka Doorashooyinka Dadweynaha ee qpf iyo cod, qorshaha Dawladda ee dhanka Federalismka, arrimaha Gobolka Sool. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Furitaanka Kalfadhiga 53-aad ee Golaha Wakiillada DPL. Read More »

Guddiga Arrimaha Bulshada, dhaqanka & warfaafinta Golaha wakillada dowlada puntland.

Garoowe: October 24, 2023: Guddiga Arrimaha Bulshada, dhaqanka & warfaafinta ayaa maanta kulan la qaatay mas’uuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada & tacliinta sare ee DPL. Xildhibaannada iyo Wasaaradda ayaa karinsaday xal ka gaarista shaqaaqadii iskuulka Gambool, si dib loogu furo iskuulka, islamarkaana tacliintii iyo ardaydii fasalada dhiganaysayba ay dib u bilaabanto. Guddiga oo maalmihii dambe ku howlanaa xal ka gaarista dhacdadii iskuulka weyn ee Gambool iyo mas’uuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada ayaa isla gaaray go’aanka kama dambeysta ee xalinta shaqaaqadaas, iyadoo qorshuhu yahay in maalmaha soo aadan dib loo furo iskuulka. DHAMMAAD.

Guddiga Arrimaha Bulshada, dhaqanka & warfaafinta Golaha wakillada dowlada puntland. Read More »

Scroll to Top