Golaha Wakiillada

Wararka

Guddiga Arrimaha Bulshada, dhaqanka & warfaafinta Golaha wakillada dowlada puntland

Garoowe: October 24, 2023: Guddiga Arrimaha Bulshada, dhaqanka & warfaafinta ayaa maanta aqalka Wakiillada kulan kula qaatay qaar kamid ah waalidiinta iskuulka Gambool, iyagoo ka dhageystay aragtidooda ku aadan shaqaaqadii ka dhacday iskuulka 15-october-2023 iyo sida ugu haboon ee xal looga gaari karo. Sidoo kale Xildhibaannada, ayaa warbixinta kadib, su’aalo ka weydiiyey waalidiintu arrimaha ay ka hadleen ee ku aadan shaqaaqadii dhacday iyo sida xal looga gaari karo. DHAMMAAD.

Guddiga Arrimaha Bulshada, dhaqanka & warfaafinta Golaha wakillada dowlada puntland Read More »

GUDDIGA ARRIMAHA BULSHADA OO MAANTA LA KULMAY QAAR KAMID AH MACALIINTA DUGSIGA SARE EE GAMBOOL.

Garoowe: October 23, 2023: Guddiga Arrimaha Bulshada, dhaqanka & warfaafinta ayaa maanta aqalka Wakiillada kulan kula qaatay qaar kamid ah macaliinta iskuulka Gambool, iyagoo ka dhageystay warbixin ku saabsan shaqaaqadii ka dhacday iskuulka 15-october-2023 iyo sida ugu haboon ee xal looga gaari karo. Sidoo kale Xildhibaannada, ayaa warbixinta kadib, su’aalo ka weydiiyey macalimiinta arrimaha ay ka hadleen ee ku aadan shaqaaqadii dhacday iyo sida xal looga gaari karo. DHAMMAAD

GUDDIGA ARRIMAHA BULSHADA OO MAANTA LA KULMAY QAAR KAMID AH MACALIINTA DUGSIGA SARE EE GAMBOOL. Read More »

Guddiga Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dimuqraadiyadda Dowlada puntland

Garoowe: October 22, 2023: Guddiga Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dimuqraadiyadda ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Xildhibaannada, ayaa kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda iyo Agaasimaha Guud, iyadoo mudaneyaashu mas’uuliyiintan ka dhegeysteen warbixin ku saabsan shaqooyinka socda ee ay ay wado Wasaaraddu, waxyaabaha u qaab-soomay iyo caqabadaha jira. Sidoo kale, Guddiga ayaa su’aalo ka weydiiyay arrimaha ay ka hadleen masuuliyiinta Wasaaraddu. Ugu dambeyntii, Xildhibaannada ayaa sheegay in warbixino ku saabsan korjoogtayn ay mudooyinkan Guddigu wadeen ay horgeyn doonaan Kalfadhiga guud ee Baaralamaanka. DHAMMAAD

Guddiga Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dimuqraadiyadda Dowlada puntland Read More »

Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka ee Golaha Wakiillada Dowlada Puntland

Garoowe, October 21, 2023: Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka ee Golaha Wakiillada ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Bankiga dhexe DPL iyo xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Nugaal. Guddiga oo ugu horeyn booqday Bankiga dhexe ee Dawladda ayaa halkaasi kulan kula yeeshay madaxda sare ee Bankiga, kuwaas oo warbixin kasiiyey shaqooyinka Bankigu uu hayo, waxqabadkooda iyo caqabadaha jira. Sidoo kale, Xildhibaannada ayaa mas’uuliyiinta Bankiga su’aalo ka weydiiyey arrimaha ay ka hadleen ee la xiriira shaqada ay Dawladda u hayaan. Sidoo kale, Guddiga ayaa kormeer ku tagay Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Nugaal, halkaas oo warbixin ay kaga dhageysteen Xisaabiyaha Gobolka, iyagoo kula dardaarmay inay sii laba jibaaraan shaqada ay hayaan ee dakhli ururinta iyo horumarinta wax-soosaarka. DHAMMAAD.

Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka ee Golaha Wakiillada Dowlada Puntland Read More »

Guddiga Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda ee Golaha Wakiillada Dowlada Puntland

Garoowe, October 21, 2023: Guddiga Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda ee Golaha Wakiillada ayaa maanta xarunta Golaha ugu yeeray mas’uuliyiinta Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka. Shirka ayey Guddigu ku dhageysteen warbixin ku saabsan shaqooyinka Wasaaraddu u hayso dadweynaha reer Puntland, caqabadaha jira iyo waxyaabaha u qabsoomay, iyadoo warbixintaasi kadib Guddigu su’aalo ka weydiiyeen mas’uuliyiinta Wasaaradda arrimaha ay ka hadleen. Ugu dambeyntii, Xildhibaannada ayaa sheegay in warbixino ku saabsan korjoogtayn ay mudooyinkan Guddigu wadeen ay horgeyn doonaan Kalfadhiga guud ee Baaralamaanka. DHAMMAAD

Guddiga Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda ee Golaha Wakiillada Dowlada Puntland Read More »

Guddiga arrimaha Degaanka & kheyraadka dabiiciga ah ee Golaha Wakiillada DPL

Garoowe: October 21, 2023: Guddiga arrimaha Degaanka & kheyraadka dabiiciga ah ee Golaha Wakiillada DPL ayaa maanta warbixin ka dhageystay Wasiirka & Wasiir-Dawlaha Wasaararadda Kaluumaysiga iyo Kheyraadka badda. Xildhibaannada ayey uga warbixiyeen shaqooyinka socda ee ay ay wado Wasaaraddu, waxyaabaha u qaab-soomay iyo caqabadaha jira. Sidoo kale, Guddiga ayaa su’aalo ka weydiiyay arrimaha ay ka hadleen masuuliyiinta Wasaaraddu. DHAMMAAD

Guddiga arrimaha Degaanka & kheyraadka dabiiciga ah ee Golaha Wakiillada DPL Read More »

Guddiga Shuruucda & Caddaaladda golaha wakiillada dowlada puntland

Garoowe, October 19, 2023: Guddiga Shuruucda & Caddaaladda ayaa maanta warbixin ka dhageystay Guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo denbiyada culus ee Dawladda Puntland. Kulan ka qabsoomay Aqalka Wakiillada ayey mas’uuliyiinta maxkamaddu sharaxaad kaga bixiyeen habka shaqadu u socoto iyo caqabadaha jira. Ugu dambeyn, Xildhibaannada ayaa mas’uuliyiinta Maxkamadda weydiiyey su’aalo ku saabsan arrimaha ay ka hadleen iyo shaqada ay gacanta ku hayaan. DHAMMAAD

Guddiga Shuruucda & Caddaaladda golaha wakiillada dowlada puntland Read More »

GUDDIGA SHURUUCDA & CADDAALADA OO MAANTA BOOQDAY XARUNTA MAXKAMADDA SARE.

Garoowe, October 17, 2023: Guddiga Shuruucda & Caddaaladda Golaha Wakiillada ayaa la kulmay Guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo xubno kale oo ka tirsan Guddiga sare ee Maamulka Garsoorka, iyagoo ka dhagaystay warbixin la xiriirta waxqabadkoodii iyo caqabadaha jira. Sidoo kale Xildhibaannada ayaa mas’uuliyiinta weydiiyey su’aalo ku saabsan arrimaha ay ka hadleen oo ku aadan horumarinta garsoorka puntland, sarreynta sharciga iyo xalinta cabashooyinka caddaalad darro ee ka imaanaya dadweynaha ku dhaqanka Puntland. Kormeerka ayaa qeyb ka ah shaqooyinka Guddiyadda Golaha Wakiillada DPL, waxaana warbixintooda ay ku soo bandhigaan fadhiga guud ee Golaha. DHAMMAAD

GUDDIGA SHURUUCDA & CADDAALADA OO MAANTA BOOQDAY XARUNTA MAXKAMADDA SARE. Read More »

GUDDIGA ARRIMAHA BULSHADA OO MAANTA BOOQDAY DUGSIGA SARE EE GAMBOOL.

Garoowe: October 16, 2023: Guddiga Arrimaha Bulshada, dhaqanka & warfaafinta waxay maanta booqasho ku tageen iskuulka wayn ee Gambool, halkaas oo shaqaaqo ka dhacday 15-october-2023. Xildhibaannadu waxay la kulmeen, islamarkaana warbixin ka dhegaysteen Guddomiyaha Waxbarashada Gobolka Nugaal iyo qaar kamid ah Guddiga xal u helida Dugsiga sare ee Gambool oo Wasaaraddu ay u magacowday. Ugu dambeyn, Xildhibaannada ayaa su’aalo ka weydiiyey mas’uuliyiinta xal u helida Dugsiga Gambool shaqaaqada dhacday iyo sababta ka dambeysay. DHAMMAAD

GUDDIGA ARRIMAHA BULSHADA OO MAANTA BOOQDAY DUGSIGA SARE EE GAMBOOL. Read More »

Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta & Isgaarsiinta Golaha Wakiillada DPL.

Garoowe: October 14, 2023: Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta & Isgaarsiinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare ee Dawladda Puntland. Guddiga ayaa warbixin dhinacyo badan taabanaysa ka dhagaystay mas’uuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada, iyagoo sidoo kale Guddiyada la wadaagay waxqabadkoodi, Caqabadaha jira iyo Qorshayaasha hortebinta leh. Waxa ay sidoo kale Guddiyadu su’aalo kala duwan weydiiyeen mas’uuliyiinta Wasaaradda. Ugu dambeyntii Guddiga ayaa ballanqaaday in warbixinta ay la wadaagi doonaan cid kasta oo ay khuseyso oo ay ugu horreeyaan Golaha Wakiilladu, kuna dadaali doonaan sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha kala duwan. DHAMMAAD

Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta & Isgaarsiinta Golaha Wakiillada DPL. Read More »

Scroll to Top