Golaha Wakiillada

Wararka

Guddiga Amniga iyo Nabadgelyada ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland.

Garowe, 29 Janaayo 2026- Guddiga Amniga iyo Nabadgelyada ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa maanta booqasho shaqo ku tegey Xarunta Taliska Booliska Puntland. Booqashadan ayaa qeyb ka ahayd kormeerka shaqo ee guddigu ku qiimeynayo xaaladda amniga iyo howlaha kala duwan ee hay’adaha amniga Puntland. Guddiga ayaa kulan la qaatay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, kaas oo ay uga dhageysteen warbixin faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda guud ee amniga, caqabadaha jira, iyo qorshayaasha horumarineed ee ciidanka Booliska. Ugu dambeyn, Guddiga Amniga iyo Nabadgelyada ayaa bogaadiyey dadaalka ay ciidanka Boolisku ku bixiyaan ilaalinta amniga, iyaga oo ballanqaaday inay taageero sharci iyo mid talo-ba la garab istaagi doonaan hay’adaha amniga Puntland. DHAMMAAD

Guddiga Amniga iyo Nabadgelyada ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland. Read More »

Guddiga Gaarka ah ee Goluhu uxilsaaray dadka baahiya gaarka ah qaba.

Garowe, 28 Janaayo 2026- Guddiga Gaarka ah ee uu Goluhu u xilsaaray soo aruurinta xogta dadka baahiyaha gaarka ah qaba oo sii wada shaqadoodi ayaa maanta kulan la qaatay Wasaaradda Qorshayanta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah. Guddigi wuxuu Wasaaradda wax ka waydiiyey qorshaha uga yaal horumarinta dhaqan-dhaqaale ee dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo arrimaha kale ee la xiriira shaqada Wasaaradda ee khuseeya dadka baahiyaha gaarka ah qaba. Guddigu ayaa u kuurgal Si ay wax uga ogaadaan Qorshayaasha uga digsan dadka baahiyaha gaarka qaba Si ay uga mid noqdaan Qorshayaasha soo socda ee Wasaaraddu dejiso. Guddigu waxa ay xuseen in xogtan ay muhiim u tahay diyaarinta talooyin iyo go’aanno wax ku ool ah oo Golaha lagu horgeyn doono. DHAMMAAD

Guddiga Gaarka ah ee Goluhu uxilsaaray dadka baahiya gaarka ah qaba. Read More »

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Wakiilada ayaa ka qaybgalay maalinta Furdooyinka Caalamiga ah.

Boosasso, 26 Janaayo 2026- Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, Hon Mohamed Baarri Shire, ayaa caawa ka qeybgalay xuska Maalinta Furdooyinka Caalamiga ah, munaasabad oo ay soo agaasintay Wasaarada Maaliyada Puntland oo lagu xusayay doorka ay leeyihiin furdooyinka caalamka. Munaasabadda oo ay ka soo qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan Dowladda Puntland, ururrada bulshada rayidka ah iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, ayaa diiradda lagu saaray wacyigelinta furdooyinka, caqabadaha haysta iyo sidii loo xoojin lahaa. Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiilada, Mudane Maxamed Baarri, oo munaasabadda ka jeediyay hadal, ayaa Hambalyo u diray dhamaan howl wadeenada furdooyinka Dowladda Puntland. DHAMMAAD

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Wakiilada ayaa ka qaybgalay maalinta Furdooyinka Caalamiga ah. Read More »

Fadhiga 3-aad ee Guddiga Joogtada ah

Garoowe, January 26, 2026: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Hon Abdirisak Ahmed Said oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Hon Mohamed Mahamud Esse ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 3-aad ee Guddiga Joogtada ah. Fadhiga maanta waxaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, waxaana warbixinno laga dhegeystay Madax-Guddiyeedyada guddiyada Golaha, taasoo ku saabsanayd arrimaha Amniga, siyaasadda, dhaqaalaha, deegaanka, iyo xaaladda abaaraha ee ka jirta Puntland. Intii kulanku socday, Guddiga Gaarka ah ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiilladu u xilsaaray u kuurgelidda iyo ka jawaabidda cabashada nootaayooyinka bulshada Puntland ayaa Guddiga la wadaagay warbixin la xiriirta kulankii ay la yeesheen Guddiga Nootaayooyinka iyo madaxda wasaaradda caddaaladda Puntland. Warbixintaas ayaa diiradda lagu saaray shaqooyinkii la qabtay, caqabadaha jira iyo cabashooyinka ka jira arrimaha nootaayooyinka bulshada, markii guddigu dhegaystay warbixintaas waxaa dood dheer kadib guddigii gaarka ahaa dib loogu celiyey inay soo dhammaystiraan xogaha la xiriira arrimahaas, si loo waafajiyo xeerarka iyo nidaamka dawliga ah. Dhinaca kale, waxaa warbixin looga dhegeystey guddiga gaarka ah ee Goluhu u xilsaaray soo ururinta xogta dadka baahiyaha gaarka ah qaba. Guddigaas oo booqasho iyo kormeer ku tagey dalladda Ururrada Naafada Puntland, Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska iyo Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, waxayna warbixinno ka dhegeysteen mas’uuliyiinta hay’adahaas, si loogu qareemo dadka baahiyaha gaarka ah qaba. Guddiga Joogtada ah ayaa dood ka yeeshay xaaladda Amniga Guud ee Puntland iyo qorshaha dib u habaynta Ciidanka,Guddigu wuxuu u xilsaaray guddi gaar ah oo talooyin iyo qorsheeyaal ka soo jeedinayaa arrimaha ciidamada qalabkasida. Ugu dambayntii Guddiga Joogtada waxaa cabasho u soo gudbiyey qaar kamid ah Goleyaasha Daagaanka degmooyinka Puntland. Dood iyo falanqeyn kadib Guddiga Joogtada waxay u xilsaareen cabashada Goleyaasha deegaanka Guddiga Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda Golaha Wakiilladu in ay kala fariistaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta si xal loogu helo cabashooyinka ka soo noq-noqday Goleyaasha deegaanka Puntland. DHAMMAAD

Fadhiga 3-aad ee Guddiga Joogtada ah Read More »

Gudidiga gaarka ah ee golaha wakiillada dowlada puntland

Garowe, 25 Janaayo 2026- Guddiga Gaarka ah ee uu Goluhu u xilsaaray soo aruurinta xogta dadka baahiyaha gaarka ah qaba ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland. Guddigu waxa ay kulan la yeesheen Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada, iyaga oo ka waraystay adeegyada iyo barnaamijyada ay Wasaaraddu u fidiso dadka baahiyaha gaarka ah qaba, agoomaha iyo dadka garaad-dhimanka ah. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray helitaanka xog dhammaystiran oo la xiriirta taageerada waxbarasho, caqabadaha jira, iyo qorshayaasha mustaqbalka ee Wasaaraddu ku horumarinayso adeegyada gaarka ah. Guddigu waxa ay xuseen in xogtan ay muhiim u tahay diyaarinta talooyin iyo go’aanno wax ku ool ah oo Golaha lagu horgeyn doono. DHAMMAAD

Gudidiga gaarka ah ee golaha wakiillada dowlada puntland Read More »

Guddiga Gaarka ah ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland

Garowe, 24 Janaayo 2026- Guddiga Gaarka ah ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, u xilsaaray u kuurgelidda Arrimaha cabashooyinka Nootaayooyinka, ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta ee Dowladda Puntland. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray cabashooyin ay soo gudbiyeen Nootaayooyinka Dadweynaha ee ka hawlgala magaalada Garoowe, kuwaas oo guddigu si toos ah wax uga weydiiyey Wasiirka Wasaaradda , kuna salaynayey waajibaadka ku xusan Dastuurka Dowladda Puntland iyo Xeerka Nootaayooyinka. Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta, oo ka jawaabay su’aalihii guddiga, ayaa faah-faahin ka bixiyey howlaha ay wasaaraddu ka waddo arrimaha la xiriira Nootaayooyinka iyo hirgelinta Xeerka Nootaayinka Dadweynaha ee Golahu ansixiyey, waxayna Golaha la wadaageen shaqooyinkii ay qabteen, caqabadaha jira iyo qorshaha Wasaaraddda. DHAMMAAD

Guddiga Gaarka ah ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Read More »

Fadhiga 2-aad ee Guddiga Joogtada ah.

Garoowe, January 20, 2026: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Hon Mohamed Mahamud Esse ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 2-aad ee Guddiga Joogtada ah. Fadhiga maanta waxaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, waxaana warbixinno laga dhegeystay Madax-Guddiyeedyada guddiyada Golaha, taasoo ku saabsanayd arrimaha Amniga, siyaasadda, dhaqaalaha, deegaanka, iyo xaaladda abaaraha ka jira Puntland. Intii uu kulanku socday, Guddiga Gaarka ah ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiilladu u xilsaaray u kuurgelidda xaaladda abaaraha ee ka jirta Puntland ayaa Guddiga la wadaagay warbixin la xiriirta kulankii ay la yeesheen Guddiga Iskuduwidda Gargaarka iyo Ururinta Xogaha ee Xukuumadda Puntland. Warbixintaas ayaa diiradda lagu saaray shaqooyinkii la qabtay, caqabadaha jira, qorsheyaasha la dejiyey, sida ay hay’adaha dawladdu uga jawaabeen xaaladda taagan, iyo taakulada la gaarsiiyey dadka iyo duunyada ay abaartu saamaysay, iyadoo guddigu so jeediyey in si asbuucleh loola socodo xogaha ka soo kordha abaaraha iyo gar-gaarka cidda ay saamaysay abaartu. Sidoo kale Guddigu wuxuu dood dheer ka yeeshay xaaladaha siyaasadeed ee ka jira Guud ahaan Soomaaliya, gaaar ahaan Puntland iyo doorka Golaha Wakiilladu ee ku aaddan arrintaas, isagoo guddigu isla qaatay in laga soo diyaariyo aragtiyo iyo talooyin wax ku ool ah oo loo gudbiyo Golaha xukuumadda Puntland. DHAMMAAD

Fadhiga 2-aad ee Guddiga Joogtada ah. Read More »

Guddiga Gaarka ah ee Guddiga Joogtada Golaha Wakiillada

Garowe, 19 Janaayo 2026- Guddiga Gaarka ah ee Guddiga Joogtada Golaha Wakiilladu u xil saaray u kuurgeliddaa xaaladda Abaaraha ka jira deegaannada Puntland ayaa kulan la qaatay Guddiga Abaaraha qeybta Isku-dubaridka gargaarka iyo xog uruurinta. Ujeeddada ahayd in xildhibaannu warbixin ka helaan qorshahaha hay’adaha dawladda ee ku aaddan taakulaynta dadka iyo duunyada abaartu saamaynta iyo sida ugu habboon oo loo midaynkaro shaqooyinka loona dar-dargelinkaro. Kulanka oo ka dhacay Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka Puntland, waxaa warbixin dhammaytiran looga dhageystey wixii u qabsoomay muddaddi ay shaqada Gacanta ku hayeen Guddiga iskudubbaridka Gar-gaarka iyo Xog-ururinta, warbixintaasoo ku saabsaynayn xaaladda dhabta deegaannda sida ay u kula daran yihiin, xogaha laga soo ururiyey deegaannda Puntland, qeybaha ay isugu jiraan taakulaynta dadka la gaarsiiyey, qorshaha lagu hawlgeliyo iyo kulamada kale ay la qaateen hay’adaha bah-wadaagta la ah Wasaaradda Gar-gaarka dawladda Puntland. Intii kulan socdey Guddiga Abaaraha ayaa warbixinta ku daray qorshahooda shaqo iyo caqabadaha jira sidii si wadajir ah wax looga Qaban lahaa, si gurmad loogu fidiyo dadka guuraaga ah ee waxyeelladu ka soo gaartey abaarta, islamarkaana qorshe mideysan loo samayn lahaa. Intaa kadib xildhibaannada guddiga Hay’adaha dawladda waxay su’aalo ka weydiiyeen warbixintii ay la wadaageen, iyagoo talo ku biiriyey kulana dar-daarmay in lalaba jibaaro shaqada ay guddiga xukuumadu u xilsaartay Abaaraha iyo jawaab ka bixinta arrimaha taagan. DHAMMAAD

Guddiga Gaarka ah ee Guddiga Joogtada Golaha Wakiillada Read More »

Qaar ka mid ah xildhibaanada Golaha ayaa la yeeshay kulan wadatashi Madaxweynaha Dowlada Puntland

Garoowe : 06 January 2026: Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad, Hon Mohamed Mahamud Esse, iyo qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha, ayaa caawa ka qayb galay kulan wadatashi iyo is-xogwareysi ah oo uu la yeeshay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Luagatoor. Kulanka ayay uga wada hadleen guud ahaan xaaladda Soomaaliya, doorka Puntland ee Dowlad dhiska Soomaaliya iyo Isbedelka ka socda Gobolka. Waxaa kulanka ku weheliyay Senator Cabdiraxmaan Faroole Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Ahna Senator ka tirsan Aqalka Sarre ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, qaar ka mid ah Xildhibaannada Puntland ku metela labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya. – DHAMMAAD-

Qaar ka mid ah xildhibaanada Golaha ayaa la yeeshay kulan wadatashi Madaxweynaha Dowlada Puntland Read More »

Fadhiga 22-aad ee Kalfadhiga 57-aad ee Golaha Wakiillada Puntland

𝐆𝐚𝐫𝐨𝐨𝐰𝐞, 𝟕 𝐃𝐞𝐜𝐞𝐦𝐛𝐞𝐫 𝟐𝟎𝟐𝟓 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Mohamed Mahamud Esse – Awoowe, ayaa maanta shir-guddoomiyay 𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟐𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 ee Golaha Wakiillada. Ajandaha fadhigan wuxuu ahaa: U qareemidda dadka baahiyaha gaarka ah qaba, kuwaas oo ay ka mid yihiin waayeelka, agoomaha, iyo dadka naafada ah ee Puntland. Xildhibaannada Golaha ayaa si qoto dheer uga dooday xaaladda ay ku sugan yihiin dadkaas iyo sida ugu habboon ee dowladdu uga jawaabi karto baahiyahooda, iyagoo muujiyay muhiimadda ay leedahay in loo helo siyaasad, miisaaniyad iyo adeegyo waara oo la xiriira arrimaha bulshada. Ugu dambayn, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa arrintaas u xilsaaray 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚, 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐧𝐤𝐚, 𝐖𝐚𝐫𝐟𝐚𝐚𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐈𝐬𝐠𝐚𝐚𝐫𝐬𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 iyo xildhibaanno kale oo lagu daray, si ay u soo diyaariyaan warbixin dhammeystiran iyo talooyin lagaga jawaabayo baahiyaha dadka nugul ee Puntland. DHAMMAAD

Fadhiga 22-aad ee Kalfadhiga 57-aad ee Golaha Wakiillada Puntland Read More »

Scroll to Top