𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟑-𝐚𝐚𝐝 ee 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟖-𝐚𝐚𝐝 ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.
𝐆𝐚𝐫𝐨𝐨𝐰𝐞, 𝟏𝟖 𝐉𝐮𝐧𝐞 𝟐𝟎𝟐𝟔 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha, Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyay 𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟑-𝐚𝐚𝐝 ee 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟖-𝐚𝐚𝐝 ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland. Ajandaha fadhiga maanta ayaa ahaa dhageysiga Warbixinta Guddiga Joogtada ah Iyo Warbixinnada Guddiyada Golaha ee Golaha Wakiillada DPL. Intaas kadib, waxaa warbixintooda Golaha la wadaagay guddiga kala ah :- 1. Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland. 2. Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Golaha. 3. Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka. 4. Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Qoyska. Xildhibaannada Golaha ayaa su’aalo iyo faahfaahin dheeraad ah ka waydiiyay guddiyada warbixinnadii iyo kormeeradii ay soo sameeyeen muddadii u dambeysay. Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa sii wadi doona dhageysiga warbixinnada Guddiyada Joogtada ah. DHAMMAAD
𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟑-𝐚𝐚𝐝 ee 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟖-𝐚𝐚𝐝 ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland. Read More »








